Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyay Shirkado Ku Guulaystay Mashaariic Laga Hirgalinayo Dalka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Gudoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somliland Nuux Maxamed Xuseen ayaa sheegay in shirkada Tawakal Constarashan ay ku guuleysatay dhaam biyood ka mid ahaa mashaariicdaas loo tartamaayay, halka shirkada Kaarshe Company ay ku guuleystay timir dawlada loo doonaayay.

Nuux Maxamed Xuseen Gudoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somliland wuxuu shirkadaha ku guuleystay qandaraasyadaas u soo jeediyay inay u fuliyaan una hirgaliyaan mashaariicdaas ay ku guuleysteen.

Ugu dambay qaar ka mida masuuliyiintii shirkadihii ku tartamaayay mashaariicdaas ay hore u soo bandhigtay guddida qandaraasyada qaranku, waxaanay sheegeen in tartankaasi ku kalsoon yihiin, waxaanay bogaadiyeen shirkadaha ku guuleystay mashaariicdaas loo tartamaayay.