Maalmihii daroogada iyo Siminaarkii Maansoor W/Q: Akram Cabdala.

“Waa 21-july-2019, Waxaanu ahayn 12 kooxood oo min sideed qof ah, isu-gaynta tiradayadu waa 96 nin oo da’doodu u dhaxayso 18-35 jir. Waxa nalagu war galiyey in laba hay’adood oo gaalo ah ay sidaan alaab la doonayo in la keeno waddanka islamarkaa la doonayo in aanu tijaabinno kadib aanu ka falcelino.

Galinka hore 8 qof ayaa gala galinka dambana 8 qof. Groupkii ugu horeeyey ayaan ku jiray. Waa aroor abbaaro 8dii subaxnimo, hool ayaanu fadhinnaa 4 afar nin oo gaalo caddaan ah ayaa na hor fadhiya, marka laga reebo wiilka daadihinayey seminaarka iyo wiilka turjumaanka ah oo iyaguna reer hargeysa ah. Isbarasho gaaban kadib ayaa nala hordhigay alaabtan, waxayna yidhaahdeen waa buuri cusub “Buurigii daanka la dhigi jiray”.

Su’aalo ciidda ka badan ayaa nalagu miisay, su’aashii koobaad waxay ahayd (nooga warrama waddankiinna somaliland?). Qof walba xidhmo ayaa la hordhigay, waxa la yidhi qof walowba xabad afka gali dibinta sare hoosteeda dhig, waanu furnay oo waaba wax udgoon.

Wiilkii siminaarka daadihinayey ayaan ku idhi “Miyaanad adigu tijaabinayn?” Markiiba afkuu gashaday xabad yar. Xagga bidix waxa iiga dhawaa gaal cad oo laptop isticmaalaya balse si wacan noo dhagaysanaya. Anoo ka baqanaya waxan lagu sheegay buuriga ayaan haddana ku jeedsaday kii gaalka ahaa, isla su’aashii ayaan waydiiyey “Miyaanad adna tijaabinayn?” Intuu qoslay ayuu yidhi “anigu waan ku matagayaa” intaa markaan ka maqlay ayaan iska dhigay anoo kolba yar ursanaya udgoonka daroogadan. Cidna laguma qasbayn.

Ilaa lix qof ayaa afka galiyey, ku darsoo marka afka la galiyo 30 daqiiqo ayaa lagu haynayaa. Intaa su’aalo ayaa nalagu wadaa: maxaad dareemaysaa? Sideed ku noqotay? Ma kuu wacantahay? Muudh ma gashay? Iyo su’aalo badan. Inamadii mid baa yidhi waan dawakhay. Midna wuxu ydhi jawi dagan ayaan galay. Midbaa isagu ku gubtay oo bahashu waa kulayl. Mid aan la yaabayna wuxu yidhi anigu hore ayaan u isticmaali jiray oo waxba kuma noqonayo. Wiil saaxiibkay ah oo ka mid ahaa kuwa tijaabiyey isna wuxu yidhi “anigu inaan liqo ayaan ka baqanayaa” hadalkiisaa aad baa loogu qoslay.

Muddo 2 saacadood ah markay dhamaadeen, ayey yidhaahdeen soo nusa-saaceeya (break time). Shaah, cafe iyo cunno fudud ayaanu bannaanka kusoo cunnay 20 daqiiqo ayaa nala siiyey. Annagoo iska waraysanayna wixii na helay, wiilkii siminaarka daadihinayey ayaanu inyar kulannay, wuxu ii sheegay in layga dhigay hogaamiyaha groupkan, wuxu intaa ii raaciyey “fadlan su’aalahan ka daa caddaanka”. Haddana hoolkii ayaanu ku noqonay oo albaabada ayaa hoosta laga xidhay. (Projector) ayaa la shiday, casharo dhaadheer oon lasoo koobi karin ayaa la bilaabay. 8 maalmood ayaan ka qayb galay.

Markay duhur gaadhay iyadoo maskaxda laga daalay cadceedduna kululaatay, ayaa qof walba la siiyey (backet) yar oo alaabtani ku jirto oo 25 midh ayaa kusii dhex jira. Daadihiyihii siminaarka ayaa ii dhiibay bushqad waraaqo ah oo lasoo buuxbuuxinayo, (prepaid) lacag ayaa telka la iigu shubay fara badan. Si aan kooxaha mid walba u garaaco oo aan u waydiiyo su’aalo khuseeya alaabtan, sida ; ilaa caawa maxaa iska kaa badalay? Ma jeclaatay bahashan? Sidee dalka loogu faafin karaa? Wax ma ka siisay asxaabtaada? Iyo su’aalo kale oo aad u badan. Balse qofna maan garaacine anaa iska buuxbuuxiyey waraaqihii.

Bushqaddii waraaqaha ahayd ayaan guriga ku furay, ala badanaa waraaquhu. Waxay ishaydu ku dhacday waraaq la buuxbuuxiyey oo ku dhex jirta. Waan akhriyey waxa ku qoran magac dumar iyo ciwaankeedii oo dhamays tiran waliba laga wada jawaabay 30ka su’aalood ee ku qoran. Waan naxay Waxaan is waydiiyey tolow goormaa dumarkana siminaarka loo qabtay! Ma habeenkiibaa? Moojiye aad baan u yaabay oo meel baan ku qortay si aan u waydiiyo su’aashaa dumarka. warqaddaana waan qarsaday.

Sow habeenkii 1aad anoo guriga jooga maan furan alaabtii, miyaanan xabad yar kala soo bixin, miyaanan dibinta sare hoosteeda dhigin, anoo hahda iyo kulaylka la yaaban miyaanan saacadda qabsan, 5 daqiiqo markaan afka ku hayey miyaan dhulku ila wareegin, degdeg intaan u tufay miyaanan sariirta isku hubsan oo hurdo dheer maan galin. Aroortii markaan kacay miyaanan isku qoslin.

Siddeedii maalmood ee aan meeshaa tagayey ee kolba kooxo cusub aan la kulmayey, aroorbaan ugu tagay nin dhalinyar ah oo ku dhex dhacay hoolka. Markuu soo miiraabay ayuu yidhi “niyow anoon soo quraacan ayaan saaka laba midh oo bahashan ah cunay. Kaa waxa ka daran turjumaankii oo igu yidhi “saaka waxba ma qaban karo ee meeshaydii sii buuxi daroogadan ayaan ku bukoodaye” anna waxaan ku idhi “waar ingiriisiga aad uma aqaanee maxaynu yeellaa?” Wiilkii daadihinayey siminaarka ayaa yidhi “xal baan hayaa oo dadka codkooga ayaa la duubayaa (recording) ee iska hoyo” saan-caddaalayaashiina sidaas ayaa loogu sheegay. Dadka codkoogana waxa lagu duubay mobilo dhawr ah.

Maalintii 3aad rag waaweyn ayaa seminaarka kasoo qayb galay. Hadda garo oo dee maalin walba waxoogaa kharash ah ayaa la qaataa oo waa siminaar iyo caadadii. Maalintaa waxa la keenay mid ka gram saraysa tii hore. Kuwan gaalada ah ayaa noo sheegay inay tani ka gram sarayso tiihore. Oo markay afka galiyeen laba ka mid ah way matageen intii kalana mid waliba si gaar ah ayuu u cawday. Anna dabeecaddayda afka ma haysan aqaanno ee kolba su’aal qaawan ayaan gaalada kula dul-dhacaa. Maalmahan dambe aniga kolba bushqad waraaqo ah ayaa la ii dhiibaa oo waan soo buuxbuuxiyaa. Aragtidayda waxa ila qaba wiil aanu halkaa isku barannay oo iga darnaa kolba wuxu yidhaahdaa “maantaynu ugu darannahay oo shilimo ayeynu siisannay wexeenii”

Daadihiyihii siminaarka mid ag taagan oo soomaali ah ayaa igu yidhi xilli aanu nusa-saacaynaynay. waxaad u muuqataa qof waddanka difaacaya ee anaa wax ku tusi doona. Qoladan caddaanka ah waxba ha ku wareegin.

Labada hay’adood ee mashruucan watay oo la kala yidhaa TNS iyo FORSALE oo ka kala socday swedan iyo denmark, waxay noo sheegen in ay soo mareen kenya islamarkaa markay somaliland ka dhamaystaan ay u gudbi doonaan geeska africa intiisa kale. Markasta waxay kooxaha ku celceliyaan alaabtan ayaa idiinka fiican sigaarka. Waxayna leedahay laqabatin sare. inkastoy magaceegii dhabta ahaa naga qariyeen waxay noogu sheegeen mageceega LIFT.

Buuriga noocan ah wuu igu cusbaa. Waxaan se hore u arkay noocyo si qarsoodi ah looga keeno (sudan pakistan india iyo holland) badanaa qurba-joogga ayaa isticmaala. Haddaba alaabtan waxa la yidhaa SNUS way noocyo badantahay, baadhitaan aan uga marag-kacay Maxamed Faarax Qoti 21-7-2019 kadib marku indhihiisa kusoo arkay siminaarka maansoor kuna baahiyey bartiisa facebook ayaa sidan u dhignaa. (tubaakada ugu khatarta badan ee ka mabnuuca ah dunida, saddex dal mooyaane. (Illegal tobacco)tubaakada la dhigayo canka hoostiisa ee loo yaqaano Epok Lime White Slim Portion Snus” oo dusha sare lagaga qoray far-af soomaaliya ( Badeecadan waxa ku jira nicotin la qabsi sare leh) waxa kale , oo dusha kaga qoran goobaabo cas oo lagu dhex qoray 18 oo dusha kaga taalo isku talaab, taasoo macnaheedu noqonayo 18-jir wixii ka hooseeyaa waa khatar isticmaalkeedu.

Tubaakadan oo miisaankeedu ahaa 16.8 gram, waxa ay ka koobaneyd, qoyaanka urta cinabka ama walxaha biirka laga sameeyo, nicotine 8.5mg/g iyo walaxda nitrosamines 14mg/g. taasoo ah walax qofku marka uu isticmaalo khalkhal galinaysa macdanta jidhka ku jirta, isla markaana ku keenaysa in uu raadiyo walaxdaas isticmaalkeeda, haddii uu waayana waxa ay wax weyn ka badelaysaa shaqada wadnaha, maskaxada iyo ruuxda aadamaha.

Tubaakadan ayaa laga joojiyey dabayaaqadii dagaalkii labaad ee aduunka, taasoo dib loo soo istaadhay sannadihii ina dhaafay, waxaana dusha kaga xardhan qoraal lagu qoray af-soomaali ( Badeecadan waxa ku jira nicotin la qabsi sare leh). https://www.sciencedirect.com/…/…/abs/pii/S0306460318313091…https://www.webmd.com/smoking-…/…/snus-tobacco-health-risks…

Maalmihii u dambeeyey ee sminaarka waxa noogu yimid hotelka wiil ka mid ahaa kooxihii u horeeyey kaas oo doonaya in la siiyo xidhmooyin daroogadan ah, daadihiyihii seminaarka ayaa igu yidhi inanka qanci. Dibadda ayaan ula baxay waxaanan u sheegay in aan imika waxba la hayn ee ay (test) tijaabo sideen oonan ogayn inay gaaladu wax qarinayso. Wuxu wiilkii igu yidhi “waar runta aan kuu sheegee dumar ayaa raba”. “Oo halkay joogaan yaase baray? Mida kale iyaga ma seminaar baa loo qabtay?” Wuxu yidhi “ma garanayo ee dumar wada qurba-joog ah ayaa igu yidhi nooga soo qaad”. Cajab!

Xilli aanu nusa-saace u dareernay ayaa si khaas ah naloogu yeedhay aniga iyo wiilkii ila aragtida ahaa. Hoolkii ayaanu galnay albaabka ayaa la xidhay oo gudaha ayaanu ku shaahaynaynaa. Markan waa 5 caddaan ah iyo mid somali ah. Waxay yidhaahdeen “nimanyahow waad nala shaqayseen balse caqabad ayaad nagu noqoteen idinkoon waxba hubsan siiba adiga”, aniguu i sheegayaaye. “Waddanka iskamaanu soo galin ee fasax ayaanu haysannaa”. Kii somaliga ahaa ayaa warqad noo soo tuuray waanu akhrinnay waana warqadihii ogolaanshaha .

Waanu isku yar qaadqaadnay oo waan is diidsiiyey caddaymahan ay sitaan. Mid gaal ah oo yara dhoola-cadaynaya ayaa shandad furay oo kasoo saaray bac yar oo budo caddi ku jirto xagayga ayuu usoo tuuray miiska dushiisa isagoo leh “ma garanaysaa?” intaan kor u qaaday oon yara eegay ayaan dib ugu celiyey oon ku idhi “maya ma garanayo” kii somaliga ahaa ayaa la soo booday “waar buurigan nicotintu ku badan tahay ee aan sikhradda badan lahayn ayaad ka qaylinaysee wataa lagu tusay daroogadii caalamiga ahayd” waxaad mooddaa inaanu isku yar hanjabnay. Gaaladaba kan horboodaya ayaa igaga darane haddana wuxu yidhi “waxaan rajaynayaa inaad hargeysa dhawaan ku arki doontid daroogo heer caalami ah, nimankan aad la murmaysana ciidan ayaa ilaaliya ee afkaagu yaanuu ku xidhin” haddana waxoogaa waanu isku hanjabnay.

Daadihiyihii seminaarka ayaa soo galay oo yidhi 30 daqiiqo ayaad qaadateen. Kadib seminaarkii ayaa lasii waday. Dibadda ayaanu u baxnay aniga iyo saaxiibkay. Kii soomaaliga ahaa ayaa noogu yimid kuraasta dibadda. Wuxu yidhi “qandaraaskan dirqi ayaanu ku helnay oo waa la kala boobayey ee idinkoo raali ah carqaladda naga daaya” hal su’aal ayaan waydiiyey “goormaad dumarka seminaarka u qabateen?” Su’aashaa wuu ka gaabsaday. Saaxiibkay oo yara caadifi ah ayaa ku yidhi “annagoo reer hargeysa ah maxaad ku keentay inaad halkan noogu caga-juglayso” iyo “ka raali ahaada”.

Maalintii u dambaysay xilli galin dambe ah ayey noo yeedheen. waanu u tagnay. Waxay noo sheegeen inay isla hadda noqonayaan oo aanu ismacasalaamayno. Annagoo yara aamusan ayuu mid caddaan ahi camera la soo baxay. Taswiirtaa waanu ka diidnay waanuu iska xereystay. Hadal dheer ayuu noo jeediyey gaalkii u sareeyey isagoo leh “caalamka intiisa badan waanu maraynaa aadna waanu u badanahay wax lala yaabo maaha arinkayagu waddankiinuna waa dimuquraadi, ee labadiinan haddaynu wada shaqayno ka warama?” “Maya” ayaanu ugu soo gaabinnay.

Warqad yar iyo qalin ayey noo dhiibeen iyagoo leh “dhamaan dhalinyarta kale ciwaanadoodii waa na siiyeen ee emailkiina iyo ciwaankiina noo qora” taana waanu ka diidnay. Waxaad mooddaa inaanu kala tagnay annagoon isku faraxsanayn”.

Wasaaradda ganacsigu ayaa fasaxday in Tubaakada LYTF Nicotine,warqadan oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska, kuna tariikheysan 18/04/2020. Tubaakadan ayaa hore dalka looga mabnuucay. Innaga oo la dhibban #Qaadka, #Sigaarka, #Buuriga, tanna marka lagu sii daro waa dal ba’ow yaa ku leh!!

#Work shops/Seminars iyo Xog-ururinta dalka laga sameeyo yaa u xil saaran ka warheyntooda, iyo la socoshadooda xagga xukuumadda, isla markaana yaa xaqiijiya oo u xil saaran faaf reebida waxa dadka laga dhex fulinayo iyo talaabooyinka ka dhalanaya hadii lagu gefo?!.