Dagaal Ka Dhex Qarxay Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Puntland

Hargeysa – (warsoor) – Ciidamada Somaliland ayaa khasaaro gaadhsiiyey ciidamada ka soo duulaantay maamulka goboleedka Puntland kuwaasi oo weeraro gaadhmo ah ku soo qaaday ciidamada Somaliland ee fadhigoodu yahay xududaha goboladda bariga.

Ciidamada Somaliland ayaa dagaalkaasi ka soo saaray war-saxaafadeed u dhignaa sidan:

WARSAXAAFADEED:

Waxa jira inay Maamulka Puntland ciidamadoodu weerareen shalay 25/2/2020 badhasaabka laasqoray ee Jamhuuriyadda Somaliland, isku dayeena inay dilaan, hase ahatee illaahay ka badbaadiyay, waxay daandaasi  joogta ku hayaan dadka Somaliland ee degan badhan iyo degaanada ku hareeraysan .

Saaka abaaro lixdii iyo badhkii (6:30 Am) subaximo, waxay ciidamada Maamulka Puntland isku day dagaal ka bilaabeen degaanka kadhada oo 18km u jira Yubbe, halkaana waxaa isku haleelay ilaaladda hore ee ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dagaal oogayaasha ciidanka Puntland halkaas oo ciidanka qaranku dhirbaaxo lama ilawaana ku dhuftay kana soo hooyeen guulo, iyagoo ka qabsaday hub iyo gaadiid intaba.

Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland doonimaayo dagaal, laakiin haddii laga dayn waayo daandaansiga joogtada ah wuxuu ka gudan doonaa wajibaadkiisa cid kasta oo isku dayda inay daandaansato Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

CIIDANKA QARANKA GUUL

         Afhayeenka Ciidanka Qaranka JSL

Gashaanle Sare Cabdi Cabdilaahi Xasan ( Cabdi Dheere)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.