Hargeysa – (warsoor) – Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland ayaa maanta hortagay Guddida Joogtadda ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland, kulankaasi ayaa ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin.
Kulankan ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta si wadda jir ah ula hadlay Guddoomiyaha Guddida iyo Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland.
Guddoomiye Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa sheegay in Hanti-dhawrku soo bandhigay xisaab-xidh sanadeedkii Miisaaniyadda Xukuummadda ee 2017, xisaabtaasi oo aad uga faahfaahsanayd xisaab-xidhmooyinkii hore golaha loogu soo gudbin jiray.
Dhanka kale, guddoomiye Buubaa ayaa sheegay in madmadow badani ku jiro xisaab-xidhankan sanadkii dhamaaday ee 2017, ee maanta golaha la horkeenay.
Hanti-dhawraha guud ayaa si kooban uga hadlay wadda shaqaynta ka dhaxaysa Hanti-dhawrka iyo Guddida Joogtadda ah ee Golaha Wakiiladda ee Ilaalinta Hantida Qaranka.
Halkan ka daawo warkan oo aanu ka soo xiganay Eryal TV: