Xuska SNM Oo Hargeysa Lagu Qabtay Iyo Mujaahid Siciid Shukri Xuseen Oo Ka Warramay Qorshaha Saryan Muusiyam

Hargeysa – (warsoor) – 36 guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay ururkii dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed ee SNM ee sanadkii 1981-kii ayaa shalay laga xusay magaalada Hargeysa. Mujaahidiin door weyn ku lahaa halganka, qaar ka mid ah golaha wasiirrada iyo qaybaha bulshada ayaa ka qayb galay munaasibada oo lagu qabtay xarunta Saryan Museum ee Hargeysa, halkaasi oo lagu kaydin doono taariikhda Somaliland iyo halgankii SNM.

Wasiir Samsam Cabdi Aadan, Wasiir Cismaan Cabdillaahi Caddaani, mujaahid Xasan Guure Jaamac, Mujaahid Sahra Halgan iyo xubno kale oo ka hadlay munaasibada ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay ilaalinta dadkii ka soo qayb galay halgankii naf hurista ahaa iyo kaydinta taariikhdii uu lahaa halgankii qadhaadha ee bulshada Somaliland soo martay. Waxay tilmaameen in loo baahan yahay in la maamuuso dadkii haldoorka ahaa ee halgankaasi ka qayb galay.

Geesta kale Mujaahid Siciid Shukri Xuseen oo ka mid ahaa ururkii SNM ayaa aasaasay madxafka Saryan oo lagu kaydinayo taariikhda Somaliland islamarkaana haddaba laga dareemayo sawirrada iyo sooyaalka taariikhdii ururka SNM. Waxa uu sheegay in ay noqon doonto madal lagu kaydiyo taariikhaha Somaliland iyo waxyaabaha qadiimka ah ee dalku leeyahay.

Mujaahid Siciid ayaa ugu horayn ka hadlay xuska Maalinta Shuhadada SNM “Waxaan jeclaan lahaa in raggii aasaasay SNM intii ka joogtay ee Xasan Ciise Jaamac, Cabdisalaan Yaasiin iyo Maxamed Xaashi Cilmi ay ka soo qayb gali lahaayeen munaasibadan. Haddii aan u yara leexdo Muusiyamka Madaxweyne Axmed Siilaanyo dadka ila qabanqaabiyay waa ka mid  oo isaga ayaa bogcadan aynu joogno bixiyay oo yidhi halkaas ayaad ka dhigaysa Muusiyamka, waxa kale oo aanan mahadda kala masuugayn Samsam Cabdi Aadan oo aad ii garab gashay, haddii aanay Samsam hawsha ila qaban wax badan baa qabyo ahaan lahaa,” ayuu yidhi Mujaahid Siciid.

Waxa kale oo uu ka hadlay aasaaska Muusiyaamka Saryan“Haddaad is waydiisan magaca Saryan? Saryan waa Biciid-ka, Biciid-ku astaamo qaali ah ayuu leeyahay, waa xayawaan aad u adkaysi badan aad isugu kalsoon, waa xayawaan gooni daaq ah oo hareerta iska taagga ugaadha kale sida Militariga, magacan waxa ii soo gudbiyay Cabdiraxmaan Barwaaqo. Magaca waxa aynu kaga guurnay Goodirkii, sababtoo ah Goodirkii waa kii baxsaday oo meel baas buu inala maray, marka Biciidka ayay noqotay in aynu qaadano. Haddii aynu eegno sida uu fikirkani ku yimid, anigoo dareenkeeda lahaa ayaan bari tagay Rwanda, inamo aanu saaxiib nahay ayaa I geeyay Muusiyamka Rwanda, runtii qofka bani’aadamka ahi marka uu waxa daawado kiiba maaha, intayadii wada socotay ayaa midba meel ka baxay, dabeedna inamadii ayaa I waydiiyay ‘Niyaw Hargeysa, Burco iyo Boorama baaba’ay uun baad tidhaaye haddaanu kuu nimaadno maxaad na tusaysa? Runtii su’aal adag ayay noqotay waxaan idhi waan dadaali, horta hadday nimankii inoo yimaadan wax aynu tusno waynu hayna,” ayuu yidhi Mudane Siciid.

Mujaahidka ayaa ka sheekeeyay taariikhaha dawladnimo ee Somaliland soo martay“SNM waxay furo u ahayd dib u soo noqoshada Somaliland, anigu fikirkayga waxa aan qaba saddex Somaliland in ay jiraan; Somaliland ahayd British protectorate Somaliland oo sidaas maamka aduunka ugu qoran, Somaliland qaali ahayd oo la odhan jiray Independent Somaliland oo shan cisho jirtay, Somaliland-ta saddexaad waa tan aynu joogno oo SNM dib u soo celisay. Muusiyamkani waxa uu saldhig u noqon doona saddexdaa Somaliland isu keenidooda,”

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Muusiyaamku yahay mid bilaama laakiin aanu ahayn mid dhammaada maaddaama uu mar walba kaydinayo taariikhda soo korodha. Waxa uu sheegay in uu yahay jid isku xidhaya dadkii hore, kuwa jooga iyo kuwa soo socda, islamarkaana loo baahan yahay in gacan laga gaysto sidii loo horumarin lahaa.

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap