Maamulka Kastamka Magaalada Balli-gubadle Oo Dhinac iskaga leexiyey Eedo loo Jeediyey

Bali-gubadle – (warsoor) – Maamulaha kastamka Magaalada Balli-gubadle  Cabdi Jaamac Cali ayaa waxba kama jiraan ku Tilamaamay  eedo ay u soo jeediyeen Qaar ka mida wakiilada u qaabilsan ganacsatada jaadka ka Cashuurata kastamka magaalada Balli-gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd.

Wakiilada Qaad Cashuurada Bali-gubadle ayaa mar ay la hadleen Warbaahinta waxaa ay sheegaan inuu Maamulka Kastamku Tacadi ku hayo,Maamulaha Kastamka Baligubadle ayaa  Wararkaasi ku sheegay Warar ayna Waxba ka jirin oo been abuur ah.

Maamulaha kastamka Magaalada Balli-gubadle  Cabdi Jaamac Cali Sidaasi Waxaa uu kaga Hadley  Mar uu Warbaahinta Qaarkeed ugu Waramay Khadka Telefoonka isagoo ku sugan Magaalada Bali-gubadle”waxaanu Hadalkiisa ku Bilaabay “Anigu mudo sanad ah ayaan joogaa kastamka magaalada Balli-gubadle, mudadaas aan joogayna waa mudadii uu ugu dakhliga badnaa”.

Maamule Cabdi Jaamac Cali ayaa ka waramay dhacdadii lagu eedeeyey ee xalay ka dhacday Kastamka Balli-gubadle waxaanu yidhi “Xalay gaadhigu wuu soo galay nidaam ayaana wax loo cashuuraa, markii aan ogaaday shixnada uu gaadhigu sido  ee aan xisaabiyey kuna idhi lacagtii keena ayaan waayey cid ila hadasha oo gaadhigii cashuuranaysa, inamadii masuulka ka ahaana  Hargeysa ayey joogeen cid ay soo wakiisheena may jirin, waxaanan ku wada hadlaynay oo aan lahaa waar waxan waan cashuurayaa lacagta cashuurtuna waa intaas ee  keena,  anigana gaadhigu toban daqiiqo ilama taagnaado marka aan cashuuro, gaadhigaasi markii uu yimidna inamadii qaad cashuurka ahaa may joogin,  markii dambe ee aan cid raadiyeyna waxaan la xidhiidhay maamulkaygii wasaarada maaliyada waxaanan ku idhi gaadhigaas ayaa ila taagan cidii cashuuri lahaydna Hargeysa ayey joogtaa lacagna ma hayo maxaan yeelaa, waayo hadaan hayo wuu gubanayaa qaadku hadaan sii daayana aniga ayaa dambi ku galaya oo lacagtii ayaa layga rabaa, tanaasulaad ayaan sameeyey askari ayaanan raaciyey ilaa Hargeysa kaas oo lacagtii ka soo qaaday, taasina meel ay sharciga kaga jirtaa ma jirto.”

Maamule Cabdi Jaamac Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Qofkuna marka uu daacad yahay ee uu qaranka u shaqaynayo waa la xag xaganayaa, mana jirto awood aan dheerahay maamulayaasha kastamada kale, meelo badana waan ka soo shaqeeyey, waxaanan ku dedaalaa inaan anigu tanaasulaad badan sameeyo, sharciguna waxa uu I farayaa inaanan waxba cashuurin ilaa lacagta lay soo tiriyo.”

Sidoo kale maamule Cabdi Jaamac Cali ayaa ka waramay sababaha keenay cabasho laga muujiyey kastamka magaalada Balli-gubadle waxaanu mar kale yidhi “Kastamka hal gaadhi oo qaad sida ayaa soo mara, deegaankiina uma bisla dawladnimadii, maadaama oo khayraadkii gobolkuna yar yahay dadka waxa la galiyey borobogaando,  aniga oo gudanaya waajibaadkayga kuna dhaqmaya shuruucda wasaarada maaliyada gaadhiga qaadka ah ee soo mara kastamka Balli-gubadle waxba kama daayo, waxa lays waydiinayaa gaadhiga qaadka sida ee kastamka soo marayaa muxuu ka soo doonay wadada rafka ah ee uu u mari waayey laamida, maamulayaashii iga horeeyey waxbay ka dayn jireen laakiin anigu waxba kama daayo, maamulkii iga horeeyey ayaa nimanka qaadlayaasha ah baray inay u cashuuraan boqolkiiba konton (50%), aniguna waxaan cashuuraa intii loogu tala galay ee sharcigu ogolaa, markaa mushkilada  taas ayaa keenaysa iyada oo lay arkayo nin kastamka kala baydh u shaqaynaya, labada kastamna waa isku mid waanan tartamaynaa sabab aan ugu shaqeeyaana meesha ma taalo.” Ayuu Hadalkiisa ku soo Gaba-gabeeyey Maamulaha kastamka Magaalada Balli-gubadle  Cabdi Jaamac Cali

Isku-soo wada Duuboo Maamulaha Kastamka Magaalada Bali-gubadle Cabdi jaamac Cali   ayaa intii uu Masuulka ka ahaa Kastamka Magaalada Bali-gubadle waxaay Bulshada ku dhaqan Magaalada Bali-gubadle iyo Guud ahaan Gobolka Hawd ay ku Majeertaan Horumar, Hawlkarnimo iyo Hufnaan shaqo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.