Xukuumadda Somaliland oo dhagax dhigtay machadka shaqaalaha dawladaha hoose

Hargeysa – (WARSOOR) – Xukuumadda  Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhagax dhigtay machadka shaqaalaha dawladaha hoose ee dalka.

 Munaasibadan waxaa ka soo qaybgalay dhagax-dhiga Machadka Shaqaalaha dawladaha Hoose, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md. Farxaan Aadan Haybe iyo Maayirrada Magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Berbera.

Machadkan cusub ayaa laga maalgelinayaa kharashaad ay bixiyeen dawladaha hoose ee dalku. Iid Muuse oo ah Agaasimaha Machadka Dawladaha Hoose ee dalka oo dhagax-dhigii machadkaas ka hadlay ayaa sheegay in machadkaas lagu aasaasay digreeto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Bishii September 2018kii, waxaanu tilmaamay in loogu talogalay machadkan inuu tababaro shaqaalaha iyo madaxda Dawladaha Hoose ee JSL, si kor loogu qaado tayada adeegyada ay bixiyaan degmooyinka dalku.

Maayarkii hore ee caasimadda Hargeysa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in dawladaha Hoose ay machadkooda ku maalgeliyeen qaadhaan ay soo ururiyeen oo ay kala bixiyeen Dawladaha Hoose.

Maayarka cusub  ee Caasimadda Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay dawladaha hoose ay iskood u dhisteen machadkii hawlwadeennadooda lagu tabobari lahaa.

Maayirrada Magaalooyinka Berbera iyo Boorame Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) iyo Maayirka Boorame, Maxamed Axmed Warsame, ayaa soo dhaweeyey dhismaha machadkan oo ay sheegeen inuu waxtar weyn u yeelan doono.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud,   Jamaal Cabdi Muuse ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan kala shaqeynayaan Dawladaha Hoose nashaqadeynta dhismaha machadkaas iyo kormeerka dhismaha si loo hubiyo tayadiisa.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo dhismaha machadka shaqaalaha dawladaha hoose waxaanu tilmaamay inuu noqon doono meel wax ka beddesha xirfada iyo aqoonta ka hawlgala dawladaha hoose ee dalka, waxaanu xusay in xoojinta xirfadaha shaqaaluhu yihiin qoddobada ay Xukuumadda Somaliland mudnaanta weyn siisay.

Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe wuxuu dhismaha machadkaas ku ammaanay Guddoomiyihii hore ee Maayirrada  dalka Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo uu tilmaamay inuu hirgalinta machadkaas aasaas u ahaa.