Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland oo soo gaba gabaysay shirweynahii heer qaran ee Zakada

Hargeysa – (warsoor)- Shirkan oo socday 2 maalmood ayaa waxa kasoo baxay warmurtiyeed soo gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA Kaas oo u dhignaa sidan:-

Shirwaynaha Sakada oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Diinta iyo Awgaafta oo Socday Mudo lae Cisho ah kana soo qayb galeen ku

dhawaad 500 oo qof oo ka kala yimid Gobalada dalka kana mid ahaayeen

Culumaa’udiinka dalka, Ganacsato, Ardayda Jaamacadaha iyo Xubno ka

socda Dawlada.

Shirkaas oo uu daahfuray Madaxwayne Ku xigeenka JSL Mudane

Abdirahmaan Abdilahi Ismail Saylaci waxaa lagu soo bandhigay

Cilmibaadhisyo guulaysatay ee diwaanka Sakada sida ay u maamuleen Wadamada

Islamaamku, iyo Caqabadaha ku xeeran iyo Xal u helidooda marka la

eego Somaliland iyo maamulka Sakada.

Dood dheer iyo falanqayn ka dib Shirwaynaha Qaran ee Sakada waxaa

ka soo baxay war murtiyeedkan hoos ku xusan.

1. In Ururinta iyo Maamulka Sakadu

Bulshada, Amnige iyo baabl’inta Saboolka

2. In ay muhiim tahay kor u qaadista wacyigalinta Bulshada ee la

xidhiidha Barashada Arimaha Sakada iyo Axkaamta la xidhidha

3. In Dawlada ay waajib ku tahay Nidaamta, Ururinta, Qaybinta iyo

Maamulka Sakadu

4. In la sameeyo Cilmibaadhis dheeraada iyadoo laga faa’idaysanayo

Tusaalooyinka guulaystay ee Wadamada Musliminta iyo Gudaha

Somaliland.

5. In kor loo qaado kalsoonida, Isku xidhnaanta Bulshada iyo Dawlada

ee ku aadan Maamulka iyo maaraynta Sakada

6. In laga shaqeeyo sidii loo samayn lahaa Siyaasad iyo Xeerar la

xidhidha maamulka Arimaha Sakada.

Ugu danbayn Shirwaynuhu waxa uu ugu baaqayaa Qaybaha kala duwan

ee Bulshada oo ay ku jiraan Culumadu in ay ka qayb qaataan Horumarinta

arimaha Sakada.