Safiirada Somaliland ee Itoobiya oo ka warantay hawlaha safaaradda qabato

Hargeysa – (warsoor) – Safiir ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya Amb Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa ka waramay hawlaha safaaradda Somaliland ee dalkaasi u qabato bulshada reer Somaliland ee dalkaasi u safraya iyo jaaliyadaha degen dalka Itoobiya.

Safiir ku xigeenka Somaliland ee dalkaasi Itoobiy Md Barkhad Maxamuud Kaariye oo waraysi gaar ah siinayey Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in Safaaradda Somaliland ee dalka Itoobiyaha tahay halbowlaha fududaysa hawlaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, dabooshana baahiyaha bulshada ee dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka,Ganacsiga iyo dalxiiska ee dalkaasi u tagaya.

Safiir ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in sannadkan tahay 25 guuraddii mudadii uu furnaa xafiiska Somaliland ee dalka Itoobiya, taasina tahay in muddo dheer laga shaqaynayey sidii loo wanaajin lahaa  xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Itoobiya.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in safaaraddu si nabad qab ah loo soo celiyey 435 Arday oo wax ka barta Jaamacadaha Itoobiya kuwaasi oo si nabad qab ah loogu soo celiyey deegaankoodii markii rebshaduhu ka dhaceen dalkaasi.

Safiir Barkhad, waxa uu sheegay in sannadkan 2021 la xoojiyey deeqaha waxbarasho waxaanu tilmaamay in Itoobiya Somaliland siisay  450 Arday oo ardayda reer Somaliland ka faa’iidaysan doonaan Dhinaca kale, safiir ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya waxa uu sheegay in si shaqadu u wanaagsanaato la kordhiyey saacadihii shaqada ee safaaradda taasi oo bulshada u sahlaysa inay deg deg u helaan baahiyihii safaarada ee bulshada.

Safiir ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya waxa uu farriin u diray dadka u tagaya dalka Itoobiya Caafimaadka isagoo u soo jeediyey in qofkasta oo dalkaasi caafimaad u imanayaa uu qaato baadhistii ay hore ugu sameeyeen dhakhaatiirta uu maray ee dalka gudihiisa.