Xukuumadda oo Dhammaystirtay Wixii Dhankeeda kaga Xidhnaa Arrimaha Doorashooyinka

Hargeysa – (warsoor) – Xukuumadda Somaliland ayaa dhankeeda dhammaysturtay wax kasta oo kaga xidhnaa qabsoomidda Doorashooyinka iyo diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha.

Waxaanay caddaysay in ay diyaar u tahay inay dalka doorashooyinku ka qabsoomaan xilliga ay u cayimaan gudida doorashooyinku.

Kulankii golaha wasiirada ee khamiistii,ayaa lagaga hadlay qodobo badan oo ay a mid yihiin ammaanka doorashooyinka iyo qodobo kale.

Shirka golada wasiirada oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna weheliyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,ayaa war bixino lagaga dhegaystay xubno ka mid ah golaha Wasiirada.

War saxaafadeed ka soo baxay qasriga Maadaxtooyada Somaliland,ayaa u dhignaa siadan.

“Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga dooday qodobbo muhiima oo la xidhiidha horumarinta arrimaha Qaranka.

Ugu horrayn, waxa uu goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ka war-bixiyey xaaladda guud ee la xidhiidha amniga, isagoo wasiirku xusay inay ku ammaanan yihiin Ciidammada kala duwan ee dalka oo marwalba garab ka hela Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Dr. Axmed Aadan Buuxane oo ka hadlay halka uu marayo qorshaha saddexaad ee horumarinta Qaranka ee (NDP3), oo uu soo gabagaboobay qoraalkiisu waxna ka tari-doona horumarka dalka. Sidoo kale goluhu waxa uu warbixin ka dhegeystay Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dhulka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan oo ka warbixiyey diiwaangelinta hantida ma guurtada ah ee Dawladdu halka ay marayso, iyadoo ay in muddo ah iska kaashanayeen Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, waxaanu goluhu isku raacay dhammaystirka habraaca summadda Hantida Qaranka ee ma guurtida ah.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Caddaalladda, Mudane Saleebaan Warsame Guuleed oo kaashanaya Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Mudane Cabdisamad Cumar Maal, ayaa Golaha u sharraxay wax-ka-beddel iyo kaabis lagu soo sameeyey Xeerka Adeegga Kaalmada Sharci, iyada oo goluhu u  ballamay inuu dood ka yeesho shirarka dambe.

Ugu dambayn, waxa goluhu xusay inay xukuumaddu dhamaystirtay wixii waajibaad ah  ee kaga aaddanaa dhinaca doorashooyinka; sida Ammaanka iyo dhaqaalaha, iyadoo xukuumaddu raacaysa qorshaha wakhtiga ay guddida doorashooyinku soo cayimaan ee ay ku qaban karaan diiwaangelinta iyo doorashooyinka, waxaanay xukuumaddu ku boorrinaysaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay si nabada ah doorashooyinka u galaan.”