Gudida dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maaliyada ee Golaha Wakiilada JSL oo ku hawlan Naaqishaada iyo dibu eegista

Hargeysa – (warsoor) – Gudida dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maaliyada ee Golaha Wakiilada JSL oo ku hawlan Naaqishaada iyo dibu eegista Mashruuc Sharciga Odoroska Miisaaniyada 2023 ayaa kulan la qaatay Shir-gudoonka Golaha wakiilada JSL.

Shirgudoonka ayaa Gudida ka dhegaystay warbixin ku saabsan halka ilaa hadda gudidu marinayso Dibu eegista iyo naaqishaada Odoroska miisaaniyada 2023.

Shirgudoonka oo ahaa Gudoomiyaha Golaha Mudane cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Siciid Mire Faarax (giire) ayaa ku booriyey gudida inay sii wadaan dedejiyaana shaqada miisaanka leh ee ay qaranka iyo Golahaba u hayaan .

Waaxda warbaahinta iyo Xidhiidhka Bulshada
Ee Golaha wakiillada JSL