Xukuumadda Jsl Oo Sharraxaad Ka Bixisay Faa’iidooyinka Heshiiska Dp World Iyo CDC

Hargeysa – (WARSOOR) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sharraxaad ka bixisay faa’iidooyinka heshiiska DP World iyo CDC u leeyahay koboca dhaqaale iyo shaqo-abuurka bulshada JSL. 

 Wasiir-xigeenka Ganacsiga Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Salaf) oo u warramay  Wargeyska The Afro Economics ee ka soo baxa magaalada Nairobi oo uu socdaal shaqo ku joogo ayaa sheegay in go’aanka ay Hay’adda CDC kula shuraakoobayso Shirkadda DP World uu la xidhiidho sidii loo casriyeyn lahaa marsada Berbera, waxaanu tilmaamay in himilada laga leeyahay maalgashigaasi uu yahay sidii dekeddaasi u noqon lahayd xuddunta iyo marin-ganacsiyeedka ugu muhiimsan Gobolka Geeska Afrika. 

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsigu wuxuu sheegay in maalgashiga DP World ee dekedda Berbera uu isbeddel togan u yeeshay dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu iftiimiyey in casriyeynta dekedda Berbera uu noqon abuuri doono fursado shaqo oo wada gaadha dalalka gobolka oo dhan. 

Wasiir Muuse Ibraahim oo la weydiiyey sababta ay Soomaaliya uga soo horjeedsato maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu sheegay in labada dal ay leeyihiin taariikho kala duwan, oo ay JSL xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya soddon sannadood ka hor, iyadoo ku naaloonayso xornimo dawladnimo iyo dimuqraadiyad. 

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsigu wuxuu riyo  iyo dhallanteed ku tilmaamay sheegashada ay Soomaaliya ku andacooto inay Somaliland ka mid tahay dalkeeda qalalaasuhu hadheeyey. 

Wasiir ku-xigeenku wuxuu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal buuxiyey dhammaan shuruudihii qaranimo isla markaana dimuqraadi ah, waxaanu xusay inay dhawaan filayaan in beesha caalamku aqoonsato JSL.