Xaflad Lagu Daahfurayay Sanduuqa Daryeelka Macalimiinta Oo Lagu Qabtay Gebilay

Gebilay – (WARSOOR) – Xaflad lagu daahfurayay sanduuqa daryeelka macallimiinta ayaa lagu qabtay maanta degmada Gebilay ee xarunta gobolka Gebilay.

Xafladdan oo lagu dhiirigalinayay macalimiinta ayaa waxa soo qaban qaabiyay ururuka youth volunteers oo ah urur samafal ah oo ka shaqeeya arrimaha bulsada, waxaana ka qayb galay macallimiinta gobolkaasi, xildhibaanno iyo waalidiin.

Maayirka magaalada Gebilay Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu shakhsi ahaan soo dhawayanayo dhalinayarada fikirkan la timi, islamarkaa aan la gudi karin abaalka iyo xaqa uu macalinku bulshada ku leeyahay, isagoo ballan qaaday inuu Bishan lacag uu jeebkiisa ka bixinayo uu ku dari doono sanduuqa daryeelka macallinka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqogelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan, wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo sayniska  Cabdixakiin Siciid Bustaale ayaa iyaguna dhankooda sheegay in sanduuqaasi ay ku darsanayaan 1500 oo dollar.

Geesta kale, marti sharftii kasoo qeyb gashay xafladdaasi ayaa iyaguna dhankooda sanduuqa ugu tabarucay lacago kala duwan iyo deeqo waxbarasho oo ay ku caawiyeen caruuraha saboolka ah ee wax ka barta dugsiyada magaalada Gabilay, iyagoo barnaamijkaasi ku tilmaamay mid wax weyn ka taraya danta guud ee bulshada.