Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ku Bogaadisay Kenya Kursiga ay ka Heshay Golaha Ammaanka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Dawladda Kenya ku bogaadisay kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee loo doortay Khamiistii Toddobaadkii hore. Kaasi oo ay ku tilmaantay inay door ka qaadan doonto xasilinta Geeska Afrika.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu Wargeyska East Africa Business Week ee dalka Uganda uu ku qoray Danjiraha JSL u qaabilsan Kenya, Baashe Cawil Cumar oo bogaadiyey Dawladda Kenya isagoo metalayey Xukuumadda iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu sheegay guusha Kenya ay ka turjumayso kalsoonida dalalka xubnaha ka ah Qarammada midoobay ay ku qabaan dalka Kenya.

Danjire Baashe Cawil waxa uu intaas ku daray in kursiga aan joogtada aheyn ee Kenya ka heshay Golaha Ammaanka oo ay haynayso 2020 ilaa 2021ka uu badhitaari doono Nabadda iyo Xasiloonidda mandaqadda Geeska Afrika.

Dawladda Kenya ayaa Khamiistii la soo dhaafay kursigan kaga guulaysatay Jamhuuriyadda Jabuuti wareegii labaad, kadib markii ay heshay 129 cod, halka Jabuuti ay u codeeyeen 62 dal.