Somaliland oo Diiwaangelisay 15 Kiis oo Cusub oo Covid-19 ah Iyo Qof Geeriyooday

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in hal qof u dhintay xannuunka Covid-19, halka 15 qof oo kalena  laga helay xannuunkaas 24 saacadood ee u dambeeyey.

Agaasimaha Xidhiidhka dadweynaha ee wasaaradda caafimaadka ayaa tilmaamay in kiisas kaas cusub ee laga helay ay kala yihiin 12 rag ah iyo 3 dumar ah, iyada oo kiisaskaas 8 qof oo ka mid ahi joogaan Hargeysa, halka 7 qof ay ku sugan yihiin magaalada Berbera, kuwaasi oo ah ajaanibka ka shaqeeya Dekedda magaalada Berbera.

Agaasimuhu wuxuu sheegay inay sidoodii u socdaan hawlahii ay waday wasaaradda caafimaadku ee lagaga baadhayey dadka xuduudaha ka soo gudbaya xannuunka Covid-19.

Ugu dambayn Agaasimaha xidhiidhka dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadku wuxuu u mahad celiyey shaqaalaha wasaaradda caafimaadka, hawl-wadeennada warbaahinta iyo cid kasta oo qayb ka qaadatay sidii bulshada looga wacyigalin lahaa xannuunka sida ba’an u faafa ee karoona fayras.