Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland oo Hortagay Guddi Hoosaadka Deegaanka ee Golaha Wakiillada

Hargaysa – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa maanta hortagay guddi hoosaadka deegaanka iyo kheyraadka Dabiiciga ah ee golaha wakiiladda Somaliland.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, oo guddida deegaanka iyo kheyraadka dabiiciga ee goalah wakiiladda, warbixin ka siisyey hawlaha iyo waajibaadka ay wasaaraddaasi u hayso qaranka, wuxuuna wasiirku sheegay in Ayaxu uu dalka soo maray sannadkii tagay badhtamihiisii, isaga oo tilmaamay in uu koron-kor kaga tagay dalka taas oo uu sheegay in ay keentay isbedelka ku yimid cimilada adduunku, wuxuuna intaas raaciyey in khubarada ku shada leh Ayuxu ay sheegeen in Ayuxu sannadkan ku badan yahay Somaliland.

Waxa kale, oo uu wasiirku xusay in ay isugu yeedheen hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin sidii ay iskaga kaashan lahaayeen la dadgaalanka Ayaxa, isaga oo sheegay in hay’adda FAO ay u keentay lix gaadhi oo uu ku rakiban yahay qalabkii lagula dagaalami lahaa Ayaxa, kuwaas oo ka hawlgalay gobollada dalka, isaga oo intaas ku daray in ay dalka keeneen laba diyaaradood oo iyaguna buufinaya Aayaxa, isla markaana hawlo lagula tacaalayo Ayaxa ka wada gobolka Maroodi-jeex una gudboi doona gobollada kale.

Geesta kale, guddoomiyaha guddida deegaanka iyo kheyraadka Dabiiciga ah ee golaha wakiiladda Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), oo halkaas ka hadlay ayaa wasiirka uga mahad celiyey sida wanaagsan ee uu u soo ajiibay yeedhitaanka guddida, wuxuuna sheegay in  kulankan ay wasiirka la yeesheen uu ka mid yahay kulamadii ay masuuliyiinta qaranka la yeelan jireen, isaga oo intaas raaciyey inkasta oo goluhu ku jiro fasax xaalada xannuunka Covid-19 awgii, wuxuuna wasiirka uga mahad celiyey sida haboon ee uu uga jawaabay su’aalihii ay ka weydiiyeen waajibaadka ay qaranka u hayaan.