“Bukaannadii Soomaalida ee aan daweynayay ayaan ka qaaday Corona”

Muqdisho – (warsoor) – Hay’adda caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa dhawaan ka digtay in shaqaalaha caafimaadka ee daweynaya bukaanada qaba Coronavirus ay khatar ugu jiraan inuu ku dhaca cudurka haddii aysan qaadin tallaabooyin ay isaga ilaalinayaan caabuqa.

Dhakhaatiir ka tirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya aoo ku hawlanaa la tacaaliida xanuunka ayaa laga helay xanunka. Waxaa ka mid ah Dr Maxamed Cismaan Maxamed (Nasiim). Waxa uu ka mid yahay guddiga Soomaaliya u qaabilsan la tacaalidda xanuunka Covid-19.

Waxa uu sheegay iney haatan xaaladdiisu wanaagsantahay oo ay ka yaraadeen calaamadihii uu horay isugu arkay sida qufaca iyo neefatii ku dhageysay.

”Ma garanayo sida aan ku qaaday xanuunkan iyo qofka aan ka qaaday balse waxaan u maleynayaa iney yihiin dadkii uu haleeyay fayraska ee aan la tacaaleynay”, ayuu yiri Dr Maxamed.

Dhakhtarka oo ka warramayay khibraddiisa intii uu haleelay xanuunka ayaa sheegay iney aad u adag tahay in qofka uu ku nagaado guriga.

”Way adagtahay fadhiga guriga sababtoo ah qof u bartay inuu subixii kaco oo u shaqa tago lama qabsan karo nolasha guru joogga ah”,

Sidoo kale Dr Maxamed Cismaan ayaa Bulshada Soomaalida u jeediyay talooyin muhiim ah oo la xiriira coronavirus.

”Talada ugu horreysa ee aan bulshada siinaya ayaa ah, waa iney raacaan farrimaha iyo wacyigelinta kaga imanaeysa Wasaaraddda Caafimaadka, midda labaad waa iney nadaafadda ku dadaalaan oo markasta gacmaha iska dhaqaan ayna ku dadaalaan iney dadka kala fogaadaan”.

Talooyinka kale ee bulshada siinaya waxaa ka mid ah: Haddii aad isku aragto calaamada fayraska Corono , fadlan, fadlan gurigaaga joog kana fogow dadka kuugula nool guria, ka dibna la xiriir bahda caafimaadka adigoo si hufan u raacaya talooyinka ay ku siiyaan”. Ayuu yiri Dr Maxamed Cismaan.

Dhinaca kale Wasiirka Caafimaadka ee waddanka Soomaaliya, Dr Fawziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in ay ka soo raynayso xaaladda caafimaad ee bukaannada uu cudurkan ku soo ritay gudaha waddanka Soomaaliya.

Dr Fawziya ayaa markale ku celisay in cudurkan uu weli ku faafayo bulshada dhexdeed, taasna ay walwal iyo walaac ku hayso.

Dowladda Soomaaliya ayaa xarun lagu Karantiio Dadka qaba Cudurka Corona ka hirgelisay Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho, waxanay howl-wadeennada goobtan ku boorrinayaan Bulshada in ay u dhega nuglaadaan talooyinka iyo wacyi-gelinta hay’adaha Caafimaadka ee Dalka.

Xanuunka coronavirus ayaa saameyn weyn ku yeeshay howlihii guud ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqyadii waxbarshada oo hakad galay.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadday tallaabooyin dhowr ah oo looga hortagayo inuu cudurkan ku faafo dalka.

Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la xiray dugisayda Quraanka Kariimka iyo Mawlacyada lagu barto Diinta ee ka furan waddanka.

Xayiraadda ayaa la sheegay inay socon doonto labo todobaad iyadoo dib loo eegi doono labo todobaad kadib haddii la furayo dugsiyada iyo haddii waqti kale lagu darayo.

Balse Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in ilaa iyo amar dambe ay sii xirnaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuulada, dugsiyada Qur’aanka iyo jaamacadaha, isagoona dhinaca kale carrabka ku dhuftay iney lagama maarmaan tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo in sare loo qaado foojignaanta fayraska Corona.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo go’aankan shaaciyay ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta fayraska Corona, waxa uuna dhanka kale ganacsatad ugu baaqay inaysan sare u qaadin sicirka raashinka daruuriga ah.

Xigasho: BBC Somali