Xukuumada oo Shaacisay in Mashaariicda JPLG la Gaadhsiin Doono Degmooyinka Dalka

HARGESYA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, ayaa furay shir dib loogu eegayo waxqabadka Mashruuca Maamul Daadejinta Dawladaha Hoose ee JPLG, laguna ansixinayo qorshaha sanadka 2023.

Shirka oo shalay ka furmay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa, waxaa kale oo ka qayb galay Hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland ka taageera mashruuca JPLG, Hay’adaha Dawladda oo ay mid yihiin Maayareda dalka, sidoo kale waxaa ka qayb galay shirkan muhiimka ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil.

Mamulaha Xafiiska JPLG-ga Eng Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay muhiimada Shirku u leeyahay dawladaha hoose ee dalka oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in shirkan oo laba maalmood soconaya lagu falanqeyn doono mashruuca JPLG sannadkan 2022 waxa qabsoomay iyo qorshaha sannadka dambe 2023.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo hadal ka jeedisay ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqeeyaan Dawladaha hoose ee lixda magaalo madax, dhawaanna u soo magacaabeen lix qof oo kala shaqeeya arrimaha khilaafyada dhulka.

Marwo shugri ayaa sheegtay in Wasaarada Deegaanku samaysay 15 xarumo dhirta lagu kobciyo, qofwalba dhirta uu u baahan yahay ka doonan karo oo lacag la’aan lagu siinayo, weliba xannaanaytooda iyo waraabiskooda kala shaqeynayaan bulshada.

Wasiirka Waxbarashada Eng Axmed Toorno oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in mashraaciida JPLG wanaagsan yihiin laakiin loo baahan yahay in wadajir diyaarintooda loo qabto iyadoo daneeyaashu u dhan yihiin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha  Maxamed Kaahin Axmed oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in mashruuca JPLG yahay mid fiican, waxaana dalka laga bilaabay 2008-kii, sideed degmo duruufahii jiray awgeed.

Wasiir Kaahin ayaa sheegay imika oo mashruucu socdo 14 sannadood waxa lagama maarmaan ah in wax laga bedelo. Dalkeenu 108 degmo ayuu ka kooban yahay, oo 23 yihiin degmo doorasho, markaa waxay xukuumadu go’aansatay in lagu dhamaystiro dhamaan degmooyinka kale mashruucan, si aanay degmooyinka dalku u kala hormarin.

Madaxweyne xigeenka Mudane. Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Seylici) oo khudbad ka jeediyey shirka qiimaynta mashaarciida JPLG ayaa sheegay inay dib u eegis ku samaynayaan mashaarciidii JPLG la soo qabtay iyo qorshaha loogu gudbayo wejigii afraad ee mashaarciida JLPG.

Md Saylici oo ka waramayey wakhtigii la bilaabay mashaariicda JPLG ayaa sheegay inuu ku beegnaa markii goleyaasha Deegaanada markii ugu horreysay la doortay 2002-kii lix sannadood ka dib, xilligaa oo uu ka mid ah xildhibaanadii laga doortay degmada Boorama.

Wuxuu sheegay in Golahii deegaanka ee labaad ee la doortay 2012-2021 ay ku hagaageen taabo-qaadka mashaarciida JPLG balse goleyaashaasi si fiican ugama faa’iideysan. Laakiin Goleyaasha Deegaanada cusub waxa ku soo baxay dad u diyaar ah inay wax u qabtaan bulshadooda.

Md. Saylici ayaa ku ammaanay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha inay ogolaadeen in kala-badh dhaqaalahii dawladaha hoose laga hakin jiray illaa xukuumadii UDUB ay u fasaxeen dawladaha hoose, maadaama dalku ka dhismo dawladaha hoose.