Madaxweynaha oo Dhambaal Hambalyo ah u Diray Raysal-wasaaraha cusub ee Ingiriiska

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Raysal-wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska Md. Rishi Sunak.

Qoraal Madaxweynahu ku baahiyey bartiisa Twitter shalay ayuu ku yidhi;

“Hambalyo Mudane. Rishi Sunak doorashadaada Raysal-wasaaraha Ingiriiska iyo hoggaamiyaha xisbiga Muxaafidka.

Qoraalka Madaxweynaha oo la raaciyey Somaliland iyo Ingiriisku waxay wadaagaan taariikh dheer, waxaanu yidhi

“Mudadda hoggaamintaada, waxaan rejaynayaa in taariikhda dheer Somaliland iyo UK ay wadaagaan iyo danahu abuuraan xidhiidh xooggan iyo saaxiibtinimo dhow.”

Hambalyada Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii Mudane. Rishi Sunak loo doortay Raysal-wasaaraha Ingiriisku iyo hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka.