Xoghayaha Garabka Toosinta Xisbiga Wadani Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Warar Been Abuur Ah Oo Ay Qorayso Warbaahinta Kooxdii Afduubatay Xisbiga Wadani

Hargeysa – (warsoor) – Xoghayaha Garabka Toosinta iyo Cadaalada Xisbiga Mucaaridka ee Ah Wadani oo Warbaahinta La hadlay Ayaa ka hadlay markii ugu horeysay Warar sheegayay in Khilaaf soo kala Dhex galay Garabkii Toosinta ee dhowaan Qaadacay Shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Wadani.

cilmi-jaamac

Cilmi jaamac Cawad Waxaa uu Been Abuur cad ku Tilmaamay Wararka ay Meelahaas la wareegayaan Kooxdii Afduubatay Xisbiga Wadani oo uu ku Sheegay inay ka Samri Layihiin Xubnahan Miisaanka leh ee Xisbiga Ka Baxay iyagoo faafinaya Been iyo borobagaando aan meelna loogu soo gaban oo xaqiiqada ka Fog,Waxaana uu yidhi isagoo Arimahaasi ka Hadlaya sidan.

“Hadii Lagaa Samri Waayo Wax kastaa waa Dhacayaan,Been baa lagaa Qorayaa Waana Lagu Hadal haynayaa Waayo Ciro Wuxuu   ogyahay Miisaanka Aanu leenahay iyo Khasaaraha xisbiga Soo Gaadhaya Hadii aanu ka Baxno,Umana malaynayo inay Waxaasi nasoo Celinayaane Ama Warar been ah Qora baan leeyahay Ama Cirka eega,Maxkamada ayaa La Isla gelayaa Xaqana waa La kala Qaadanayaa,Runta ayayna Tegi doontaaye Waxaan leeyahay Intaad Xisbigii Afduubateen ayaad welibana Na daba socotaan,waar anagu waanu Idiinka Tagnaye Xisbigii aad meesha daran kala dhacdene Maxaa na kiin daba dhigay”.

Soomaalidu Waxaa ay ku Maahmaahdaa habar Dhali Wayday Alleelo ku Waalatay,Rag cadaaalad Waayayna Sidii Cawsha Kala Yaacye,Anagu Beel beel Umaanu kala Fadhiisane,Meesha Beelaha laga hadal hayaa waa Wadanigaa Ciro iyo Ictisaamku Afduubteen,ee La yidhi Axmed muumin seed Waa Laangaab oo cod ma keenayo,Misana Ninkii ay ku sheegayeen Laangaabka ayay daba socdaan oo websiteyadii taageeri jiray Warar ka qorayaan Bal may Iskaga Hadhaan.

Cilmi Jaamac Cawad waxaa uu dhanka kale Ka hadlay Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ku Tilmaamay Mid aan u Qalmin Xilkan Afhayeenimo ee uu Sheeganayo,isagoo ku sifeeyey Mid Hadalada adeerkii usoo dhiibo Dadka ula yimaada isla markaana aan ku socon Maskax Madaxbanaan waxaana uu ka Dhawaajiyay in dhowaan la Arki doono Yarkaasi oo wadani Caayaya Cirona ka Cabaadaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.