Xoghayaha Cusub Ee Fulinta Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Oo Xilkii Kala Wareegay Xoghayihii Hore Ee Degmadaasi

Gebilay – (WARSOOR) – Xoghayaha cusub ee fulinta dawlada hoose ee degmada Gabiley ayaa xilkii kala wareegay xoghayihii hore ee degmadaas.

Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Gabiley Cismaan Cabdi Badde waxa munaasibada xilwareejintaas ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha, maamulka gobolka Gabiley iyo ka degmada Gabiley.

Xoghayihii fulinta dawlada hoose ee degmada Gabiley Mustafe Maxmaed Cabsiiye oo xilkaas hayay in ka badan afarsano ayaa sheegay in mudadii uu xilkaas hayay ay u qabsoomeen arrimo kala duwan, waxaanuu soo dhaweeyay xoghayaha cusub.

Xoghaya cusub ee dhawaan loo magacaabay dawlada hoose ee degmada Gabileya ayaa ballan qaaday inuu shaqada ka sii wadi doono halkii uu kaga tagay xoghaiyihii hore, waxaanuu intaa ku daray inuu xilkaas u gudan doono si masuuliyadi ku jirto.

Ugu dambayn maayarka degmada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi iyo guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gabiley Cali Cabdilaahi (Cali-case) ayaa sii sagootiyay xoghayihii hore, soona dhaweeyay xoghayaha cusub.