Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Wareegtooyin Madaxweyne Xilkaqaadis Iyo Magacaabid Ku Sameeyay Xukuumaddiisa

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xil ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumada.

War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, soona gaadhay xafiiska wararka ee wakaaladda SOLNA ayaa u dhignaa sidan:-

Ku: Saleebaan Diiriye Cabdi;

Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sool

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay.

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Maxamed Aadan Cumar Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

UJEEDDO: MAGACAABID WAKIIL

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Kiiniya.