Ciidanka Dab Demiska Ee Gobolka Togdheer Ayaa Hanti Kala Duwan Kasoo Badbaadiyay Guryo Ku Gubtay Xaafadda Togdheer Ee Magaalada Burco

Burco – (WARSOOR) – Ciidanka dabdamiska ee magaalada Burco ayaa 10 Milyan Somaliland Shilling, Dahab, 38 Moobil, 8000 lacagta Birta ah, iyo lacag dollar ah ka soo badbaadiyay guryo ku gubtay xaafada Togdheer ee magaalada Burco.

Ciidanka ayaa sidoo kale dabkaas ka xakameeyay guryihii u dhawaa, mana jirin dhimasho iyo dhaawac dabkaasi sababay. Waxaana guryahan ku noolaa dad danyara oo ka soo jeeda waddanka Itoobiya.

Sidoo kale ciidanka ayaa Mustawaqayaal, Baasaabooro iyo dhukumantiyo kale ka soo saaray guryahaa dabku qabsaday. Guryahan dabku qabsaday ayaa ahaa 5 Buul, halka ciidanku dabkaas ka badbaadiyeen ku dhawaad 20 kale. Ciidanka Dab-demiska Burco ayaa hantidaa ay soo badbaadiyeen ku wareejiyay laamaha amaanka.

Ugu dambayn hawlgalkaa ayaa ku soo dhamaaday guul, waxaana dadweynihii hantidaa lahaa u mahadnaqeen ciidanka Dab-demiska iyo ciidanka Booliska oo iyaguna hawlgalkaa ka qayb qaatay.