Xisbul Xaakimka Somaliland Oo ka Hadlay Heshiiskii Dhex Maray Asxaabta Qaranka

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbigul Xaakim Somaliland ee KULMIYE Md.Axmed Cabdi Dheere ayaa markii ugu horaysay ka hadlay heshiiska dhex maray asxaabta qaranka Somaliland.

Md. Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegey in aan beesha Caalamku aanay cadaadis ku saarin xukuumadda iyo Asxaabta inay soo afgaraan murankii ka dhex taagnaa muddooyinka dambe Xukuumada iyo Asxaabta Qaranka ee la xidhiidhay badalista iyo magacaabista Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegay in Komishankan hadda uu sharci yahay, laba xubnood ee ka dhimanna la soo buuxin doono.