Guddoomiyihii Maxkamadda ee Sool Oo La Khaarajiyey

LAASCAANOOD – (WARSOOR) – Guddoomiyaha maxkamadda sare ee gobolka Sool AHU garyaqaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu khaarajiyey qarax gaadhi oo ka dhacay magaalo Laascaanood Isniintan.

Guddoomiyaha oo ku sugnaa dhinaca Bari ee magaaladda Laascaanood ayaa la sheegay in walxo qarxa loogi xidhay gaadhigiisa.

Masuuliyadda weerarkan qaraxa loo adeegsan ayaa wali ciddina sheegan.

Ciidamada amaanka ee gobolka Sool ayaa sheegey inay wadaaan baadhitaano la xidhiidha weerarka.