Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somalilanad oo Furtay Adeegga Boostada Dadweynaha

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray waaxda Boostada ee wasaarda oo aan muddo badan iska ahayd uun magac u yaala.

Adeegga Boostada ee dadweynaha ayaa maanta si rasmi loogu fidin doonta dadweynaha Somaliland, waxaana waraaqa iy alaabooyinka looga soo diri karaa loona diri doona dalka dibaddiiisa.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Cali Cabdilaahi Daahir oo ka hadlay munaasibaddii furitaanka waaxda boosaha ayaa sheegay in Waaxda Boosta la furay 2018, balse uu adeegeedu uu ku koobnaa xafiisyadda dawladda oo qudha.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Dr.Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi oo ka hadlay munaasibadda furitaanka xafiiska boosaha ayaa sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay inuu furan xafiiskan qaban doona adeegga Boosaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la furi doono Sanaaduuqda boosaha ee (P.O.Box) oo ah caalamad lagu garto qaran jira. Wasiir Dr. Cabdiwali ayaa sidoo kale sheegay in ay dhawaan la hirgalin doono Postel address-ka.