Xisbiga WADDANI Oo Deeq Raashin iyo Biyo ah Oo ay Kaga Qayb-galayaa Gurmadka Abaaraaha Ku Wareejiyey Badhasaabka Gobolka Togdheer

Burco – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo isaga iyo weftiguu hoggaaminayaa ay socdaal ujeedkiisu yahay gurmadka Abaaraha deegaanada bariga Somaliland u joogaan magaalada Burco, ayaa ka hadlay qaadhaan raashin ah iyo deeqo lacaggeed oo biyo dhaamis ah ba ku wareejiyey guddida abaaraha heer qaran ee Xisbiga WADDANI, waxaana uu sheegay in abaaraha ka jira deegaanada barigu ay yihiin kuwo mudan in mucaarad iyo muxaafad ba si wada jir ah looggu gurmado isla mar ahaantaana ka Xisbi ahaan ay wixii taageero iyo taakuleyn ba ah soo gaadhsiinayaan guddida Abaaraha heer gobal iyo heer qaran ee Somaliland.

108a9029

Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo hadal qiimo badan ka jeediyey ka dib kulan ay wada qaateen badhasaabka gobalka Togdheer iyo guddida abaaraha Somaliland oo uu la hadlay Warbaahinta, ayaa waxa uu u dhignaa hadalkiisu sidan,

Marka hore waxa aanu u mahadcelinaynaa guddida abaaraha, maamulka iyo guddoomiyaha gobalka Togdheer ba, waxa aanu ku suganahay oo aad arkaysaan xaruntii maamulka gobalka Togdheer oo ay na dhinac taagan yihiin guddoomiyahii iyo guddidii abaaraha gobalka Togdheer, waxa kale oo halkan jooga hoggaamiyahii Xisbiga WADDANI iyo mas’uuliyiin tira badan oo Xisbiga ah, waxaana aanu halkan u nimi oo aanu gobalka u nimi in aanu xog-oggaal u noqono xaaladda ba’an ee abaaraha gobalka oo aanu doonayno in aanu dareenkaa la qeybsano shacabkayaga wixii taakulo ah ee Tamar ah ee Xisbigu awoodo na ka geysto, ujeedada aanu halkan u nimi waa xaaladdaa ba’an ee abaarta ee ka taagan goballada bari gaar ahaan gobalka Togdheer, gobalka Sanaag iyo gobalka Sool ba, markaa Xisbi ahaan waxa aanu go’aansanay in aanu xog-oggaal na u noqono wixii taakulo ah ee taageerayaashiisu soo ururiyeena aanu kaga qeyb-qaadano oo aanu ku wareejino guddida abaaraha heer qaran iyo guddiyada ka dhisan goballada, markii aanu la xidhiidhnay ee aanu xog waraysanay guddida iyo maamulka gobalka ba si fiican bay nooggu xog warameen, waxa kale oo aanu la xidhiidhnay guddidii abaaraha heer qaran ee Somaliland, guddidii abaarahu waxa ay soo wakiisheen badhasaabka gobalka Togdheer oo reer Burco u bixiyeen Qabyo-tire, anagu na magacaas waanu la qaadanay oo odey Qabyo berigii hore saaxiib baanu ahayn isku xisbi na waanu ahayn intii aanu KULMIYE galin, runtii aniga oon hortiisa uun ka lahayn gobalku aad bay u qiimeeyeen shaqaddiisa, anna shaqaddaas badan waan ku oggaa markaanu isku xisbiga ahayn, waana u mahadnaqaynaa badhasaabka gobalka Togdheer.

Markii aanu la xidhiidhnay guddidii abaaraha heer qaran waxa ay soo wakiisheen badhasaabka gobalka Togdheer, deeq yar oo aanu sidnayna waxa aanu u nimi aanu ku wareejino badhasaabka, deeqdaas na waxa aanu ugu tallo-galnay saddex gobal oo ah goballada Togdheer, Sanaag iyo Sool ba, dhammaan goballadii ka farcamay gobaladdaasna waa ay ku hoos jiraan. Runtii annagu xisbi mucaarad ah baanu nahoo kollay waxa aanu is lee nahay xagga dhaqaalaha Xukuumadda kula ma tartami karaysaan oo dee KULMIYE waxba ma bixiyo oo dawladda uun buu ka soo qaadaa laakiin annaga taageerayaashayada ayaa soo ururiyey lacagtaas waana aanu u mahadcelinaynaa dhammaantood. Deeqda aanu maanta halkan ku wareejinaynaa waxa weeye 2000 (Laba Kun oo Dollar) oo Kiish oo Raashin ah iyo 100 (Boqol) Booyaddood oo biyo ah, Rasiidhka lagu soo raraayo Raashinka waa kaa iga guddoomay Badhasaabku, waxa kale oo aanu biyaha ugu tallo-galnay $20,000 (Labbaatan Kun oo dollar), Labbaatankaa Kun ee dollar ee biyaha aanu ugu tallo-galnayna waxa aanu ku wareejinay iyada na badhasaabka.

Waxa kale oo aanu doonaynaa in aanu saddex siyood aanu uga qeyb-qaadano abaaraha, qeybta koowaad waa qeybtaa aan wareejiyey ee ah qeybta Xisbiga WADDANI oo laga soo ururiyey dad khayr qaba oo halkan aynaan magacyaddooda oo dhan ku sheegi karin oo taageerayaasha gobalka ah. markaa qeybta kale waxa weeye maamuladda goballada oo aanu u xil saarnay iyagu na isu xilqaameen in ay taakuleyn kaga qeyb-qaataan abaaraha Somaliland, wixii ay iyagu na ururiyeen waxa aanu ku wareejinaynaa guddida gobalka oo ah deeq dhan 100 kiish oo raashin ah(Boqol Kiish).

Dhammaan taageerayaasha Xisbiga ee kala jooga gudo iyo dibad ba waxa aanu farnay in ay ka soo qeyb-qaataan qaadhaanka taakuleynta abaaraha, wixii qaadhaan ah ee iyagu na soo ururiyaan waxa aanu iyada na ku wareejin doonaa guddida abaaraha ee heer qaran. Illaahay baa Abaaraha innaga soo jebin kara, Raxmaadkiisan innoo soo shubi kara, isaga ayaana aynu ka baryeynaa in uu innoo soo gurmado, Illaahoow noo soo gurmo, Illaahow roob khayr qaba na sii, Illaahow mid deg-dag ah na sii oon dad iyo duunya ba inta noo hadhay aan naga waxyeelayn.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Burco, Desk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.