Badhasaabka Gobalka Togdheer oo Xisbiga WADDANI Ku Ammaanay Doorka ay Ka Qaateen Gurmadka Abaaraha ee Deegaanada Bariga Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Badhasaabka gobalka Togdheer Md.Maxamed Ibraahim Aadan(Qabyo-tire), ayaa Xisbiga WADDANI ku ammaanay sida ay ugu soo gurmadeen isla mar ahaantaana ay dareen ahaan dadka abaarahu saameeyeen u la qeybsanayaan dhibbaatada iyo xanuunka ka soo gaadhay abaaraha ka taagan deegaanada bariga Somaliland.

Md.Maxamed Ibraahim Aadan(Qabyo-tire), ayaa hadalkan ka sheegay mar uu la hadlaayey qaar ka mid ah Warbaahinta, waxaana uu xusay in ka gobal ahaan ay ka caawin doonaan sida oo kale na ay weftiga WADDANI ee ku sugan gobalka Togdheer ay u tilmaami doonaan deegaanada ay sida xoogga ah uga taagan tahay dhibbaatada abaartu si ay si habsami ah ugu soo qabsadaan kormeerkooda shaqo ee ay ugu gurmanayaan dadka abaarahu saameeyeen.

108a9071

“Waxa aanu mar iyo laba ba si heer qaran ah aanu u soo dhaweynaynaa Xisbiga WADDANI, waxa aanu ku soo dhaweynaynaa dareenkaa ay na la qeybsadeen ee maaha lacagta, aniga maanta lacagtu dareen ii samayn mayso, laakiin waxa dareen innoo samaynaaya Xisbigii mucaaraka ah ee WADDANI oo iyaga iyo hoggaankoodii oo wada socdaa ay in yidhaahdaan waanu idin la qeybsanaynaa xanuunka ka jira goballada Abaarahu saameeyeen ee bariga Somaliland, taas baa aad iyo aad u muhiim ah, maadaama ay soo garteen oo ay noo yimaadeen, wixii warbixin ah na waanu kala qaadanay guddoomiyaha iyo weftiga ba, safar kormeer ahna waa ay u bixi doonaan annagu na wixii ay noogga baahan yihiin oo dhan waanu u fadudeynaynaa, waana tilmaamaynaa meelaha ay u badan yihiin” ayuu yidhi Maxamed Qabo.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Burco, Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.