Xisbiga UCID oo xilkii ka qaadey Ramaax & Jiir

Hargeysa – (WARSOOR) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa xilkii ka qaadey xoghayaashii xisbiga ee Ramaax iyo Jiir.

War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta xisbiga ayaa lagu shaaciyey in xilkii laga qaadey xoghayihii arimaha gudaha Md. Maxamuud Cali Saleebana (Ramaax) iyo Xoghayihii Golaha dhexe ee xisbigaasi Maxamuud Cali Muuse (Jiir).

War-saxaafadeedkan ayaanse lagu sheegin sababta xilka looga qaaday, balse wararka la helaayo ayaa sheegaya in labadan masuul ay taageereen Khudbad-sanadeedkii madaxweynaha Somaliland uu ku sheegay in la furi doono ururadda siyaaadda Somaliland.