Maraykanka oo Ciidamadiisa Kala Bixii Doona Afgaanistaan

USA – (WARSOOR) – Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Naato ayaa la filayaa inay muddo 14 bilood ah guddahood ah kaga bixi doonaan Afgaanistaan, hadidi ay fuliyo shuruudaha lagu heshiiyey. Warkan ayaa waxaa si wadda jir ah bayaan uga soo saaray Maraykanka iyo dawladda Afgaanistaan.

War-murtiyeedkan ayaa lagu yidhi, “Isbahaysigu waxay si dhamaystiran ugala bixi doonaan ciidamadooda ku sugan Afghaanistaan muddo 14 bilood ah. Waxaana taasi raaci doona in la si dhameystiran loo fuliyo heshiiska ay wadda gaadheen Daalibaan iyo Maraykanku.

Maraykanku waxay bilowga yarayn doonaan ciidmaada ka jooga dalkaais afgaanistaan oo tiraddou hadda tahay 8,600 oo askari, muddada 135 maalmood ah ee uu dhaqan-galaayo heshiiska u dhexeeya Maraykanka iyo xoogada Daalibaan. Heshiiskan ayaa lagu kala saxeexdahay magaalo madaxda Qadar ee dooha.