Hargeysa – (warsoor) – Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa markii ugu horay ka jawaabay eeday lagu sheegay in xisbigu aanu taageero ku lahayn waddamada Yurub iyo Maraykankan oo laga soo sifeeyey.
Guddoomiyaha golaha dhaxe ee Xisbiga KULMIYE Md.Jaamac Shabeel oo ka jawaabay dhalliil uu u soo jeediyey guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee UK Md.Xuseen Aadan Cadde oo sheegayey in ay Xisbiga KULMIYE ka soo siffeeyeen dalalka qaaraddaha Yurub iyo Ameerika, Jaamac Shabeel ayaa yidhi, “Waxaasi waa faan ayaanu u aragnaa aan wax caqli ah iyo xigmad ku salaysnayn, waana iska hadal oo nin is faanshay waa ri’ is nuugtaybaa la yidhi, waanay soo bixi arrintaasi oo bishu hortiina ayey iman doontaa, nin waliba waxa uu isla hayana fagaaraha ayuu keeni, anagu waxba faani maynee waa la arki doonaa taageerada aanu Qurbaha ku leenahay”.Ayuu yidhi Jaamac Shabbeel
Gudoomiye Jaamac Shabeel ayaa intaasi ku daray, “Xisbiga WADDANI xaqiiqada ku soo noqda ayaan odhan lahaa xaqiiqadu waa lagama maarmaane, hadii aad naftaada ku maaweeliso wax aan jirinna adiga ayey ku dhibaataysaa, haddii wax aan jirin aad iska dhaadhicisana hadhaw ayaad yaabaysaa, markaa xaqiiqada ku soo dhowaada ayaan leeyahay WADDANI, sidaas ayaa idinkana idiin wanaagsan, waxaana la arki doonaa taageeradayada wakhtigeeda”, sidaasi waxaa yidhi Jaamac Shabeel.
This post is also available in:
Somali