Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Somaliland oo Cod Aqlabiyad ah Ku Laalay Xeerka Qandaraasyadda Qaranka

Hargeysa – (warsoor) – Fadhi ay maanta yeesheen xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu shir gudoominaayey Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha ayaa cod loogu qaaday xeerka Qandaraasyadda Qaranka waxaana cod aqlabiyad ah lagu laalay xeerkaas.

Gudoomiye_BaasheGudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha wakiiladda Somaliland Baashe Maxamud Faarax oo xeerkaasi oo hordhigay fadhigii maanta ee golaha wakiiladda ayaa xildhibaanadda ka dalbaday inay xeerkan loo codeeyo.

Gudoomiye Baashe oo ku dhawaaqaya natiijaddii codka gacan daaga baarlamaanka Somaliland ayaa yidhi, “Xeerkii Qandaraasyadda qaranka 7 xildhibaan way ogolaatay, 33 xildhibaan waa diideen, 4 xildhibaan waa ka aamuseen, gudoomiyihu muu codayn, xeerkaasi sidaasuu ku jabay”.

Xildhibaan_SiicdXildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ah gudoomiye guddi hoosaadka shuruucda u qaabilsan golaha ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta ay xildhibaanadu u laaleen xeerkan, waxaanu yidhi, “Guddida Qandaraasyadda Qaranku waxay markii hore ahaan jirtay guddi madax-banaan, hadda waxaa laga dhigay guddi aan madax-banaanayn. Ta kale guddidu waxay lahay awoodo, wax alla waxa qaranku la iibinaayo iyagaa xaq u lahaa, waxaa lagu soo qoray inay wasaaraduhu u madax-banaan yihiin in iyagu iibsan karaan, iibin karaan wax kasta taasina qodobka labaad ayey ahayd. Madaxweynaaha magacaabi jiray waxaa imika lagu soo qoray wasiirka maaliyadda magacaabaya, wixii gabi-geediiba waxaa laga dhigay haayad yar oo hoos timaada wasaaradda Maaliyadda oo awoodaheedii yoo dhan la dhilay” .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.