Golaha Guurtidda Somaliland oo Soo Gabo-gabeeyey Dooda Xaaladda Tahriibayaasha Sii Kordhaysa

Hargeysa – (warsoor) – Golaha Guurtidda Somaliland oo maanta yeeshay fadhi ayaa soo gabo-gabeeyey ajendihii ugu dambeeyey ee ay kaga hadlaan kalfadhigooda 59-aad oo ahaa tahriibka iyo saamaynta ay ku yeelata uu ku reebay bulshadda.

Fadhigan maanta waxaa shir gudoominaayey gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha guurtidda Siciid waxaana ka soo qayb-galay xildhibaano tiro badan.

Golaha_Guurtidda

Xildhibaanadda fadhigan ka halday waxaa ka mid ah Xaaji Cabdikarin Xuseen (Cabdiwaraabe) oo si weyn waayeelnimo leh uga hadlay dhibaatadda tahriibka, ayaa xildhibaanadda u soo jeediyey inay wacyi-galin sameeyaan waxaanu yidhi, “Haddaynu guurtidda nahayna waxaa inala gudboon in shir gudoonku qalqaaliyo wefti hareeraha u baxa oo wacyi-galiya oo magaalooyinka soo mara intii la mari karo. In bari iyo galbeed cid loo diro oo la dardar galiyo oo la toosiyo dadka oo la baraarujiyo ayaa inagana inala gudboon”.

Xaaji Cabdiwaraabe ayaa xukuumadda ku hambalyeeyey hawlaha ay ka qabtay ka hortaga tahriibka gaar ahaan waxaa uu amaan u soo jeediyey ciidamada booliska hawl-galkii ay gacanta ku dhigeen magafayaashii tirada badnaa  ee laga qabtay magaaladda Hargeysa.

Doodadan waxaa iyaguna ka hadlay xildhibaano badan waxaanay soo jeediyeen in aafadda tahriibka ay xukuumaddu ka soo saarto sharci adag oo wax lagaga qabto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Golaha Guurtidda Somaliland oo Soo Gabo-gabeeyey Dooda Xaaladda Tahriibayaasha Sii Kordhaysa

Hargeysa – (warsoor) – Golaha Guurtidda Somaliland oo maanta yeeshay fadhi ayaa soo gabo-gabeeyey ajendihii ugu dambeeyey ee ay kaga hadlaan kalfadhigooda 59-aad oo ahaa tahriibka iyo saamaynta ay ku yeelata uu ku reebay bulshadda.

Fadhigan maanta waxaa shir gudoominaayey gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha guurtidda Siciid Jaamac Cali waxaana ka soo qayb-galay xildhibaano tiro badan.