Hargeysa – (warsoor) – Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo ah Gudoomiyii Guddiga ilaalinta iyo dabagalka hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa khamiistan maanta ah waxa uu ka hadlay haddalo uu baahiyey mid ka mid ah wargeysyadda dalka oo sheegay inuu isku sharaxaayo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE.
Xildhibaan Obama ayaa beeniyey warkaasi ka soo baxay warayska Foore, waxaanu sheegay in aanay wakhtiga xisbiga KULMIYE ka jirin wax loolan ah oo loogu jiro gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenka xisbiga.
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama ayaa dhankiisa sheegay in wakhtigan xaadirka ah wax doorasha ah oo xisbiga KULMIYE uu galayaa aanay jirin booskan la sheegaya uu xisbiga ay hore doorashadiisu u dhacday wakhtiga uu ku eegyahayna ay ka xigto dhawr sano.
Halkan ka daawo warkan oo aanu ka soo xiganay Channelka Mire Media:
This post is also available in:
Somali