Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay wareega labaad ee koobka gobolada Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay wehelinayso Marwada koowaad ee qaranka Somaliland, Marwo Aamin-weris Sheekh Maxamed Jirde, iyo xubno ka mida golaha wasiirada, gudoomiyaha gobolka maroodijeex, maayarka caasimada, salaadiin, xildhibaano, iyo bulshada qaybeheeda kala duwan ayaa Madaxweynughu waxa uu si rasmi ah u furay wareega labaad ee tartanka gobolada dalka Somaliland.

dsc_0003

Waxaana galabta lagu furay labada gobol ee Saaxil iyo Xaysimo oo soo bandhigay ciyaar ciyaar dhaaftay oo aad u heersaraysa kana muuqatay waayo aragnimo iyo degenaan ay muujiyeen ciyaar yahanadii ku sugnaa garoonku, waxaana ciyaarta qaybtii hore lagu kala nastay 3:0 ay ku hoggaaminaysay saaxil halka xaysimona aanay waxba keensan, waxa iyana xusid mudan in ciyaar yahanka numberka shanaad ama daafaca uga ciyaara gobolka saaxil uu qaatay kaadhka cas dibedana looga saaray ciyaarta, balse aanay u dhitin xulka gobolkiisa saaxil ciyaarta oo 1:0 ahna ay ka dhigeen 3:0, markii lagu soo noqday qaybtii labaadna waxa ciyaarta halkeeda ka sii watay gobolka saaxil oo gool afraadna u raaciyey ciyaar yahanadii ku ciyaarayey magaca gobolka xaysimo sidaasina wax ku soo dhamaatay guud ahaan ciyaartii lagu furay wareega labaad ee ciyaaraha gobolada Dalka Somaliland.

Xulalka Gobolada ku tartami doona wareegan labaad ayaa kala ah sidan:

  1. Gobolka Sool
  2. Gobolka Saaxil
  3. Gobolka Xaysimo
  4. Gobolka Sanaag
  5. Gobolka Awdal
  6. Gobolka Hawd
  7. Gobolka Daadmadheedh
  8. Gobolka Gabiley

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.