Xildhibaan Casowe Oo U Mahadceliyey Dadkii Codka Siiyey Xiligii Doorashooyinka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Axmed Xasan Cali (Casowe) oo kamida xildhibaanada cusub ee ku soo baxay natiijada hordhaca ah ee doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 31 May ayaa bogaadiyay tageerayaashiisa iyo Qaranka Somaliland.

Mudanahan oo ka mid noqon doona xildhibanaada Golaha wakiilada ee dhawaan la doortay kana soo baxay Gobolka Sool ayaa u mahad celiyay taagerayaashisii guusha gaadhsiiyay oo u uku tilmaamay halyeeyo habeen iyo maalinba u taagna sidii ay doorashada ugu guulaysan lahaayeen isaga oo sheegay in ay tahay waajib qaran oo la gutay.

Axmed Xasan Cali (Casowe) waxa uu bogaadin iyo hanbalyo u soo jeediyay gudiga doorashooyinka Somaliland oo uu sheegay in ay qabteen hawl adag oo qaranku ku faanaayo 

Geesta kale xildhibaan C/risaaq Haybe Xueen, oo ka mida mudanayaasha golaha Gurtida JSl ayaa sheegay in doorashooyinkii isku sidkana ee dalka ka qabsoomay 31 May, ay guul u soo hooyeen Somaliland shacbkuna ay muujiyeen bisal dimuqraadiyadeed isaga oo bogaadiyay xildhibaanada labada goloe u soo gudbay waxaanu shacabka ku amaanay sida nabad gelyada ay u ilaashadeen taas oo aan la’aanteed waxba qabsoomeen.