Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Oo Dawooyin Gaadhsiisay Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Saraar

CAYNABA – (WARSOOR) – Isu duwaha wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Saraar ayaa deeq dawooyin ah gaadhsiiyey xarumaha caafimaadka ee degaamooyinka gobolka Saraar qaar kamid ah .

Isu Duwe Maxamed Abokor Suudi oo ka warbixiyey dawooyinkan uu gaadhsiiyey xarumaha caafimaadka ee degaamadan ka tirsan gobolka Saraar, gaar ahaana degaamadda Ceelal iyo Dhannaano ayaa sheegay in dawooyinkani ay qayb ka yihiin dawooyin joogto ah oo uu bishiiba hal mar gaadhsiiyo xarumaha caafimaadka ee degmooyinka gobolka Saraar.

Dawooyinkan uu isu duwuhu gaadhsiiyey degmooyinkaas ayaa isugu jira dawooyinka Shubanka, Cuncunka iyo Qufaca oo uu sheegay isu duwuhu in ay ka jiraan degmooyinkaas.

Isu duwe Maxamed Abokor Suudi waxa uu sheegay in dawooyinkani ay yihiin kuwo uu kasoo qaado wasaaradda Horumarinta Caafimaadka,waxaanu u mahadceliyey wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland,guddoomiyeyaasha Degmooyinka Dhanaano iyo Ceelal ee gobolka Saraar iyo shaqaalaha xarumaha caafimaad ee degmooyinkaas oo qaarkood uu sheegay in aanay wax mushahar iyo Guno ah qaadan,isla markaana ay dadkooda ugu shaqeeyaan hab tabaruc ah.