Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ciidamo geysay Dhuusamareeb

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay maanta ciidamo horleh ka dajisay gudaha garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur oo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamadan oo ka mid ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ee Kumaandooska Soomaaliya ayaa gaaraya illaa 50 askari, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sidoo kale waxaa askartan kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug iyo saraakiil ciidan.

Ujeedka ciidamadan loo geeyey Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay inay sugi doonaan amniga doorashooyinka ka dhacaya gudaha magaaladaasi, gaar ahaan soo xulida xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in ciidamadan la dajiyey xero ku taalla Dhuusamareeb, iyaga oo howl-gallo ballaaran ka bilaabi doono isla degmadaasi.

Galmudug ayaa horey u shaacisay, kadib heshiis lagu gaaray magaalada Muqdisho inay bilaabi doonto qabashada doorashada, gaar ahaan tan xildhibaanada Soomaaliya.

Waa magaaladii labaad oo ay sidoo kale dowladda dhexe ciidamo u direyso, waxaana Dhuusamareeb ka horreeyey Jowhar oo la geeyey ciidamo ka mid ah kuwa Haramcad.

Si kastaba Dhuusamareeb waxaa horey uga howl-galayey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo lagu daabulay, xilligii doorashada ee madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).