Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya oo Ka Hadlay Go’aanka Dacwadeedka Laga Gaadhi Karo Muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya

Muqdisho – (warsoor) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay nooca go’aanka la filaayo in ay ku dhawaaqdo maxkamadda caalamiga ah ee la filaayo inay ka garan naqda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir oo faalo ka bixinaya go’aanka ay ka sugayaan maxkamadda caalamiga ah ayaa yidhi, “Go’aanka labada bisha waxaa uu noqoneyaa oo kali ah in maxkamadda soo saarto in ay awood u leedahay dhageysiga dacwadan iyo in aysan awood u laheyd oo dib loogu soo celiyo arinta oo labada dowladood ay ka wada hadlaan”.

Dawladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sanadkii 2009 wadda saxeexay heshiis ay ku doonayaa in khilaafka dhexdooda yaala ay iyagu dhexdooda ka wadda hadleen, balse heshiiskaasi ayaa dhaqan-gali waayey, waxaanay dawladda Soomaaliya go’aansaday inay gal dacwadeed ka furato maxkamadda caalamiga ah ee qaabilsan ka garnaqid khilaafaadka badaha caalamka.

Maxkamadda caalamiga ah ayaa la filayaa inay go’aan ka dacwadda Soomaaliya inay bilaabi doonto iyo inay diidi doonto dhagaysigeeda waxay soo saari doonta bishan February ee bilanaysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.