Afhayeenka Booliska oo faah-faahin ka bixiyay khasaaraha weerarkii SYL ee Khawaarijta

MUQDISHO – (WARSOOR) – Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Col.Qaasim Axmed Rooble oo shir jaraa’id ku qabatay SYL Hotel ayaa faah-faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii khawaarijta ku qaaday xalay hoteelka.

Col.Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay inay halkaas ku shahiideen 3 askari oo ka tirsan ciidamada Amaanka, halka 27 qof oo kale ku dhaawacmeen kuwaas oo isugu jira 18 shacab ah iyo 9 askari, isagoo intaa ku daray in 3 Xildhibaan uu soo gaaray dhaawac fudud kuwaas oo hadda shaqooyinkooda caadiga ah ku laabtay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Col.Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay toogteen dhamaan kooxdii Khawaarijta ahayd ee soo weerartay Hoteel SYL, kuwaas oo ahaa 5 dhagarqabeyaal ah.