Xasan Waraabe Cadde“Wasiirkii Hore Ee Ciyaaruhu Kamuu Dhabaynin Hamilooyinkii Wasaaraddu Lahayd, Waanu Ku Haftay Xilkii Ballaadhnaa”

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyihii hore ee Olambiga Somaliland, Xasan Waraabe-cadde ayaa soo dhoweeyey isku-shaandhayntii uu madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku sameeyey xukuumaddiisa, gaar ahaan wasaaradda ciyaaraha oo uu sheegay in ay u baahnayd shakhsi hanan kara himada dhallinyarada.

Xasan waraabe cadde oo ah khabiir ciyaaraha kala duwan ku-xeel dheer oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay shabakadda ciyaaraha ee CADALOOL, ayaa waxa uu tibaaxay in Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaruhu uu ku haftay waajibaadka ballaadhan ee wasaaraddiisa, taas oo keentay in ay meesha ka baxdo himilladii dhallinyarada ee u hagidda mustaqbal wanaagsan.

Xasan Waraabe Cadde, oo ugu horreyn ka hadlaya isku-shaandhaynta madaxweynaha, waxa uu yidhi: “Waxaan aad ugu faraxsanahay isku shaandhaynta madaxweynuhu sameeyey, khaasatan wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaaradda ciyaaraha mudane Cabdirisaaq Waaberi Rooble, waxaanan rajaynayaa in illaahay ku asturo xulkaa loo magacaabay oo dhalinyaradu in badan naawilayeen cid ku habboon.”

xasan-waraabe-cade

Guddoomiyaha hore ee Olambiga Somaliland waxa uu soo dhoweeyey xil-ka qaadista Wasiirkii hore ee ciyaaraha Cabdillaahi Faarax Maydhane oo ka mid ahaa wasiirradii ay seefta madaxweynuhu qaadday toddobaadkan, waxaanu yidhi: “Marka labaad waxaan aad ugu faraxsanahay xilka qaadista wasiirkii hore, waayo kamuu dhabaynin hamilooyinkii wasaaraddaasi lahayd, sababtoo ah dhallinyaradu waa muftaaxa koowaad ee dalka, muddo dheerna may helin cid hanata himilooyinkooda, waxaana u sabab ah markii uu wasiirku ku haftay xilkii ballaadhnaa ee wasaaraddaasi lahayd.”

Khabiir Xasan, waxa uu usoo jeediyey wasiirka cusub in uu sameeyo la-tashiyo badan, si ay ugu fududaato gudashada waajibaadkiisu, waxaanu hoosta ka xariiqay in ciyaaryahannada waddanku ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan, waxaanu yidhi: “Waxaan rajaynayaa in wasiirka cusub uu ka soo bixi doono himilooyinkaas, anaguna haddii aanu nahay bahda ciyaaraha, diyaar ayaanu u nahay in aanu la shaqayno, waxaanan u soo jeedinayaa in la-tashi badan sameeyo, taas oo ka caawinaysa habsami u gudashada xilka.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.