Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa iscasilaadii ka aqbalay badhasaabkii uu u magacaabay xilka gobolka Maroodi-jeex kaasi oo uu xalay magacaabay.
War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu shaaciyey aqbalaada madaxweyne ee iscasilaada badhasaab Axmed Tiimbaro. Waxanay u dhignayd sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu ka Aqbalay Istiqaaladii uu u soo gudbiyey Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee xalay la magacaabay, waxaanu madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii hanan lahaa xilkaas, sida ugu habboon”.
War-saxaafadeedkan ayaa lagu sii idhi, “Aniga oo ka duulaya shaqo ka-tagistaada xilka kor ku xusan ee aad warbaahinta ka sheegtay, waan soo dhaweynayaa, waanan kaa aqbalay iska-casilaaddaada”.
War-saxaafadeedkan waxaa ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen-dayr).
This post is also available in:
Somali