Xalaadda Siyaasadeed ee Boqortooyadda Sacuudiga oo Sii Cakirantay

Sacuudi Carabiya – (warsoor) – Boqortooyadda Sacuudiga ayaa bilowday inay ugaadhsato madaxda sare sare ee boqortooyadda, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in inqilaab lagu sameenayo wiilka dhaxalsugaha boqortooyadda Sacuudiga ee Maxamed Binu Salmaan oo doonayey muddooyinkan dambe inuu la wareego awooda boqortooyadda oo dhan.

Boqortooyada ayaa soo xidhay labada amiir ee ugu caansan qoyska boqortooyadda Sacuudiga oo  kala ah Amiir Axmed Binu Cabdulcasiis oo ka yara boqor Salmaan Binu Cabdulcasiis iyo Amiir Maxamed Binu Nayid oo ahaa boqorka inaadeerkii oo lahaa dhaxalka boqortooyadda, balse wiilkan haddana awoodi badani looga qaaday.

Xadhiga labada Amiir ayaanay wali boqortooyaddu si rasmi ah uga hadal, balse waxaa arintan shiday warar kutirikuteena oo ku saabsanaa iskuday af-gambi dhicisoobay, iyo sidoo kale warar kale oo sheegayaa in xaaladda boqorka Sacuudiga ee hadda 84 jirka ahi ay liidato.

Warar ay baahisay wargeyska Wall Street Journal Jimcihii iyo Sabtidii ayaa sheegaya in xubno badan oo boqortooyadda ah la xidhxidhay oo ay ka mid yihiin Wasiiro, saraakiil sarsare oo ciidmada ah iyo xubno kale oo lala xidhiidhiyey inay lug ku lahaayeen inqilaabka dhicisoobay.