Ciidamada Somaliland oo Gacanta Ku Dhigay Nin Si Sharci Daro ah Caasho-badhi uga dhoofinaayey Madaarka

Hargeysa – (warsoor) – Ciiidamada booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay nin ajaanib ah oo madaarka Cigaal International ee magaaladda Hargeysa ka dhoofinaayey Caasho-badhiyo.

Ciidamada booliska ayaa sheegay in ninkan u dhashay dalka Masar uu isku dayey inuu ilaa 300 oo caasha-badhiyood ka dhoofiyo madaarka. Ninkan ayaa sheegin inuu u dhoofinaayey wadda Bariga Aasiya sida Tailand, Japan, Indooniisiya. Ninkan ayaa sheegay in dalalkaasi ay xabadiiba ka siisanayaa $100.

Ninka ayaa sheegay in soo qabashada Caashabadan ay gacan ka siiyeen dhalinyaro reer miiya oo ku nool bariga magaaladda Hargeysa, kuwaasi oo sheegay inuu maalintii siin jiray $9 ilaa $10.