Gaadhi Xamuula oo Kala Xidhay Waddada Dawga Sheekh

Sheekh – (warsoor) – Gaadhi waaraad ah oo siday badeecad ayaa ku xanibmay Waddada dawga sheekh, ka dib markii uu dib uga soo noqday waddada.

Gaadhiga ayaa xanibay gabi ahaabna isku socodka baabuurta ee magaaladda Sheekh ka imanaayey iyo kuwa dhinaca Berbera ka imanaayey. Gaadhiga ayaa ku xaniban waddada badhtankeeda, waxaanu taayirka la galay meel god ah.

Ma jiro wax khasaaro ah oo ka dhashay goobta, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen goob-joogayaal ku sugan Dawga sheekh.