Weftigii Murashax Cirro oo Si Meeqaam-sareysa Looggu Soo Dhaweeyeye Magaalada Balli-gubadle iyo Deegaanada Hoos Yimaada[

Bal-gubadle – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo muddooyinkii dambe socdaal ujeedkiisu daaran yahay wacyi-gelinta qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta Doorashada ku maraayey deegaano ka tirsan goballada Togdheer iyo Maroodi-jeex, ayaa shalay si ballaadhan looggu soo dhaweeyey magaalada Balli-gubadle iyo deegaano ka tirsan gobalka Hawd.

Weftiga oo ay guddoomiye Cirro ku wehelinaayeen saraakiil sare sare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa waxa duleedka magaalada Balli-gubadle kaga hor yimi oo ku qaabilay guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, siyaasi Cabdi Haybe, siyaasi Xuseen Axmed Caydiid, Mujaahid Xuseen Aadan Cadde, siyaasiyiin, xildhibbaano iyo weli ba taageerayaal xooggan oo ka soo jeeda deegaanada gobalka Hawd.

Guddoomiye Cirro iyo weftigiisa, ayaa deegaanada gobalka Hawd looggu soo dhaweeyey si aan hor loo arag, ayaa qaar ka mid ah taageerayaashaas oo halkaas ka hadlay ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta weftigan WADDANI iyaga oo aad u muujiyey sida ay ugu qanacsan yihiin misna ay u taageersan yihiin Xisbiga WADDANI oo ay sheegeen in uu yahay xisbiga keliya ee dalka ka badbaadin kara xaaladda adag ee lagu jiro sida oo kale na wax badan ka qaban kara baahiyaha kala duwan ee ka jira deegaanaddaasi.

Guddoomiyahii hore ee gobalka Daadmadheedh oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI iyo weli ba siyaasiyiin tiro badan oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha gobalka Maroodi-jeex ee WADDANI oo dhammaantood ba halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaatinka guddoomiye Cirro ee Balli-gubadle iyaga oo cod dheer ku sheegay in reer Balli-gubadle ay soo dhaweyeen Xisbi ay iska lee yihiin.

Siyaasi Cabdi Haybe oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi: “Waxa aan halkan idiin ka sheegayaa in Xisbigaa KULMIYE siddii aynu berigii ugu soo halganay iyo sida aynu ugu khasaarnay aanay is lahayn, laakiin maanta gacanteena ayeynu ku aarsaneynaa, gobalka Balli-gubdle na waa hagraday waana laga eexday, wixii mashaariic ahaa ee dalka laga waday tododbadaa sanno na waa loo diidey oo waa laga hagraday. Laakiin maanta waxa aynu dooraneynaa oo gacanteena ugu ciil baxeynaa Cabdiraxmaan Cirro isaga ayaana wax walba innoo qabanaya, markaa kaadhadhka codbixnta qaata oo yaan la idin ka iibsanin.”.Ayuu yidhi siyaasi Cabdi Haybe

Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Balli-gubadle ugu baaqey in ay qaataan kaadhka diiwaan-gelinta.

“Marka hore waxa aan aad Balli-gubadle ugu soo dhaweynayaa Murashax Cirro iyo weftiga la socda ba, reer Balli-gubadle na waan uga mahad-celinayaa sida ay u soo dhaweyeen weftiga, waxaana aan lee yahay maanta waa Bun tirsi, cod baana lagu tartamayaa, murashax soo saaristiisa na waa lagu tartamayaa, taas baana loo baahan yahay in loo alaab urursado oo wixii aad wax ugu tari lahayd oo ah qaadashada kaadhka doroashada si aad codkiina u sii saasaan Xisbiga WADDANI.”. Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid

Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu si weyn shacabka gobalkaas uu ugu amaanay sida sharafta leh ee ay u soo dhaweeyeen Xisbiga WADDANI.

“Marka hore waxa aanu idiin ka mahad-celinaynaa sida mugga, sharafta iyo miisaan ka ba leh ee aad u soo dhaweyseen Murashaxeena Madaxweynaha iyo weftigii la socday aad iyo aad baanu idiin ka mahad-naqeynaa haddii aad tihiin Mas’uuliyiintii Xisbiga. Tilmaana waa la dhammeeyey, sidaa ay odeyaashu hore u sheegeena maanta waynu aar goosaneynaa, waxaana aynu ku aar goosaneynaa waa codkeena, waxaana aynu u hiilineynaa Xisbiga WADDANI.”.Ayuu yidhi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waa uu yidhi:- “Waxa aan aad ugu mahad-celinayaa dhammaan ba dadweynaha gobalka Hawd, haween, dhallinyaro iyo odeyaal ba, waxaanan idiin ka mahad-naqayaa sida ballaadhan ee maamuuska iyo milgaha leh ee aad noo soo dhaweyseen, maanta na maalin olole may ahayn se waxa aanu idiin ku soconay in aanu idin kala qeyb-qaadano wacyi-gelinta qaadashada kaadhka codbixinta, waxaana aad wax ku bedali kartaa ama aad wax ku dhisi kartaa marka aad cod lee dahay ee aad kaadhka qaadato, aad iyo aad baanan idiin ku boorinayaa runtii.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.