Murashax Madaxweynaha WADDANI oo Badhtamaha Magaalada Hargeysa ugu Khudbadeeyey Boqolaal Ka Mid Ah Dadweynaha Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo maanta socdaal kedis ah ku dhex-tagay  suuq-weyn ee Hargeysa, ayaa goob fagaare ah kala hadlay dadweyne aad u tira badan oo ku sugan badhtamaha suuqa-weyn ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Cirro oo ay wehelinaayeen qaar ka mid ah saraakiisha Xisbiga WADDANI, ayaa dadweynahii ku sugnaa halkaasi ay dhammaantood si weyn u soo dhaweeyeen iyaga oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin booshadiisa uu ku yimi goobaha danyarta si uu u oggaado xaaladda dhabta ah ee ka jirta gudaha Hargeysa.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo markii dambe halkaas kala hadlay dadweynaha, ayaa ugu horreyn ugu baaqey in ay qaataan kaadhka codbixinta Doorashada si ay  uga qeyb-qaataan isbedel dhaba oo dalka ka hir-gala.

“Maalmahan ba waxa innoo socotay qaadashada kaadhadhka, markaa waxa aan ka codsanayaa dhammaan ba shacabkii na reer Somaliland gaar ahaan dhallinyarada, odeyaasha iyo habalaha reer Hargeysa ba in la qaato kaadhadhka codbixinta waayo awooda shacabku waa codeyntiisa, qof ka aan haysana ma codeyn kar, laakiin waxa aad wax ku bedeli kartaan waa codkiina, haddii aad dooneysaan in aad Xukuumadda bedashaan waxa aad ku bedeli kartaan waa codkiina, waxa aan idiin ku baaqayaa awoodiina muujiya, codkiina suga, kaadhadhkiina xafida isha Allah guusha na codkiina isbedelka ku taageera dadweynoow .”.Ayuu yidhi Cirro

Guddoomiye Cirro oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa kale oo uu si adag uga hadlay xaaladda adag ee sicir-bararka oo uu sheegay in xalintiisa ay xukuumaddu ku fashilantay, waxaana uu yidhi:-

“Marar badan baanu xisbi ahaan ka hadalnay arrinta Sicir-bararka, Xukuumadda Somaliland na waa ay ku fashilantay in ay sicir-bararka wax ka qabato oo in ay wax ka qabato iskaddaa yee iyadaa sicir-bararka sabab u ah, maalin walba lacag cusub bay soo daabacdaa, waxa aanu u sheegaynaa Xukuumadda Somaliland in ay xilkeeda ka soo baxdo, lacagta ay soo daabaceyso na yareyso, sicir-bararka na wax ka qabato waayo nolosheenii buu cidhiidhi geliyey,”.

HALKAN KA DAAWO WARKAN:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.