Wafti Ka Socda Xisbiga UCID Oo Kormeer Ku Soo Sameeyay Deegaannada Hoos Taga Gobolka Maroodijeex Ee Kaadh-Qaadhashadu Ka Socoto

Hargeysa – (warsoor) – Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee Xisbiga UCID Maxamed Aadan Axmed, Isla markaana ay wehelinayeen Qaar ka mid ah Xog-hayayaasha.

Xisbiga oo kala ahaa Xog-hayaha Warfaafinta UCID Yuusuf Kayse C.laahi, Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada C/qaani Salaf Iyo Xoghayayaal Kale, Qaar ka mid ah Garabka Haweenka Ee Xisbiga UCID.

Waxaanay Waftigani ay kormeer ku soo sameeyeen Deegaanno hoos taga Gobolka Maroodijeex kuwaas oo ay si habasami ah uga socoto qaadashada Kaadhka Diinwaangalinta.

Waftigan ayaa waxay kormeer ku soo sameeyeen Deegaannada Kala ah, Salaxlley, Ina Guuxaa, Qoolbuullale, Labi-sagaale iyo Deegaanno kale.

Ujeedada Waftigani uu Safaradda ugu gaala bixiyay Deegannadaasi ayaa ahaa sidii ay u soo kormeeri lahaayeen Goobaha laga qaadanayo Kaadhka Codaynta, Sidoo kalena ay bulshada ugu wacyigalin lahaayeen Qaadashada Kaadhka Codaynta.

Waxaana Masuuliyiintu ay Deegaannadaasi ka jeediyeen khudbado ku tacalluqada Muhimadda kaadhka Codayntu u leeyahay iyo sida uu wakhtigu u koobanyahay.

Sidoo kale Masuuliyiinta Waftigu waxay afka ku adkeenayeen in Xisbiga UCID uu dhawrayo Sharciga, isla markaana aanay u socon olole, balse Socdaalkoodu ku koobanyahay Kormeer iyo in bulshada lagu baraarujiyo Qaadashada Kaadhka Codaynta.

Madax Dhaqameed iyo odayaal qeyb ka ahaa Waftigan ayaa iyaguna Bulshada Deegaannadaasi la maray ku boorinayay in ay qaataan Kaadhka Codaynta.

Murashaxiin u tartamaya Doorashooyinka Soo socda, oo iyaguna la hadlyay Bulshada Deeganadaasi ayaa  Bulshada ku adkeenayay qaadashada Kaadhkan.

Waxaa Xusid mudan in waftigan Xisbiga UCID uu socdaalkoodu ahaa Kormeer, Isla markaana aanay sidan wax astaan Xisbi ah, Sidoo kalena aanay Deeganadaasi ka samaynin Olole.

Guud ahaan Socdaalkan ayaa ku soo dhamaaday Guul, iyadoo Masuuliyiinta Xisbigu ay Xalay ku soo laabteen Magaalada Hargaysa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.