Wefti Ka Socday Laba Gole Qaran ee Somaliland Shir Nairobi Kula Yeelanaya Qaramadda Midoobay

Kenya – (warsoor) – Wefti uu hogaaminaayo gudoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta gaadhay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi, waxaanay halkaasi kaga qayb-gali doonaan shir socon doono muddo hal maalin ah.

Weftiga ka socday labada golahe ee Somaliland waxay kala ahaayeen Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, Somaliland, Gudoomiye ku-xigeenka Golahaa Wakiiladda Cali Yuusuf Axmed, Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Guurtiddda Siciid Jaamac Cali iyo xoghayaha Golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Weftigan waxaa magaaladda Nairobi ku soo dhaweeyey safiirka Somaliland u fadhiya dalka Nairobi Cabdilaahi Cabdi Cali.

gudoomiyaha_Golaha_Wakiiladda

Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay ku qaybteen magaaladda Nairobi ka hor intii aanay u bilaabmin shirku ayaa sheegay ujeedada safarkoodan waxaanu yidhi, “Shir baanu halkan u nimid si rasmi ah la noogu martiqaaday, oo aanu kaga wadda hadlayno iskaashiga baarlamaanka Somaliland iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa gaar ahaana tababaradda, kor u qaadida amniga  golaha wakiiladda, tababaradda guddi iyo shaqaalaha baarlamaanka iyo kor u qaadida awooda baarlamaanka”.

 Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtidda Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkani uu ka mid yahay shirar hore baarlamaanka Somaliland ula yeelan jireen Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

shir_Gudoonka_Golayaasha_Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.