Talo Soo Jeedin Ku Saabsan Nabadaynta Sanaag

Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Xilligan aan maqaalkan qoraayo iyo mawduuca uu ku saabsan yahay marna waxaan aaminsanahay inuu wakhtigiisii ka raagay, marna waxaan dareemaa inuu xilligii laga faalloon lahaa arrintan xasaasiga ah in aan wali la gaadhin, si kastaaba ha ahaatee, raaligalin ayaan ka bixinayaa wixii khalad ah ee ka dhaca arrintan.

prof_maxamud_jaamacMarka ugu horraysa waa in aan u mahad-naqaa isla markaana bogaadiyaa xukuumada JSL dadaalada ay ku raadinayso nabada gobolka sanaag, laakiin waxaan aaminsanahay in qaabka ay wax u wado ay hollac iyo mushkilad ka weyn ay dhalinayso mustaqbalka dhaw.

Xukuumadu aad ayey ugu amaanan tahay gurmadka deg-dega ah iyo ciidamada ay kala dhex dhigtay dadka walaalaha ah ee shaqaaqadu dhex martay, laakiin wixii ka dambeeyay tallaabadaasi waxa xukuumada waajib ku ahaa inay u soo noqoto hab-dhaqankii dawladnimo ee caadiga ahaa si xididada looga siibo mushkiladan soo noq-noqotay, laakiin nasiib darro xukuumadu waxay dib ugu noqotay heshiisiinta ku salaysan qaab reereedka, iyadoo arrintaasi hore loogu guul-darraystay isla gobolkaasi dhawr bilood ka hor.

su’aasha muhiimka ah inay xukuumadu is waydiiso waxay tahay:

– Ma dhabaa in ay gobalka ku dagaalamaayaan laba beelood? taasoo mecneheedu tahay in labada reerood ay dhamaantood isku raaceen (sheekhooda iyo shariifkooduba iyo kuwa dalka jooga iyo dibadiisaba ku maqan) inay la dagaalamaan reerka kale?

– Maadaama aanay taasi dhici karin, miyaanay dawlada la gudboonayn inay si gaar ah u beegsato dambiilayaasha ku kacaya dilka iyo nabadgalyo-darrada, sababtoo ah dadkaasi waxay ku dhex dhuumanayaan dadka rayidka ah ee caadiga ah, oo dawladu waxay aad uga farxisay dadkaasi gacan-ku –dhiiglayaasha ah markii ay dambigii ay kuwaasi iskood u galeen ay dawladu ka dhigtay inuu reer dhani dambigaasi galay, oo kiisku noqday laba reer, halkii uu kiisku ahaan lahaa qaar ka mid ah dadwaynaha gobalka sanaag oo ku kacay falal nabadgalyo darro ah oo ay waajib ku tahay xukuumada in dadkaasi qudha la ciqaabo.

Sida uu ku sheegay Wasiirka Waxbarashadu Mudane C.Laahi Ibraahim Habbane barnaamijka Xusuus-Reeb ee HCTV in khaladkii ugu waynaa ee Dawladii Siyaad Barre ay ahayd inay rumaysatay qaabkii SNM u shaqaynaysay, oo maadaama ay SNM ay abaabulkeedu ku salaysnaa qaab reereed, waxay dawlada Siyaad Barrena la dagaalankeeda ay la dagaalamaysay SNM ku salaysay qaab-beeleed, taasina waxay ahayd taakulayntii ugu waynayd ee ay dawlada Siyaad Barre siiso SNM, maadaama ay dawladaasi Militariga ahi dadkii ka dhaadhicisay inay ula dagaalamayso reernimo.

Dadka xumaanta ka wada gobolka Sanaag oo noqon kara siyaasiyiin ama madax-dhaqameed, ama kuwa mustaqbalka is odhan kara ka faa’idaysta xaaladaasi ka jirta gobalka, maadaama ay dalkeena ku soo food leedahay doorasho, taasoo si fudud loo adeegsan karo jawiga cakiran ee gobalkaasi ka jira si dalka loo khal-khal galiyo, sidaas awgeed dawladu waa in aanay siin fursad dadka xumaanta wada in ay ku sawiri karaan xaalada meesha ka taagan inay tahay mid laba reerood ka dhaxaysa.

waxaan soo jeedinayaa in dawladu ay u dhaqanto qaab dawladnimo oo ay shacabka gobalkaasi ula dhaqanto qof qof oo ay u aragto muwaadiniin ay dawladu masuul ka tahay, laakiin khatarta hadda ay xukuumadu gacanta ku haysaa waxay tahay inay dawladu u aqoonsan tahay shacabka gobolkaasi inay yihiin beelo, taasina waxay kala fogaynaysaa shacabka iyo xukuumada, maadaama uu qofku u arkaayo in abtirsiintiisu tahay beeshiisa oo dawladu aanay u garanayn hebel, taasoo macneheedu tahay in haddii kuwa ugu codka dheer beeshiisu qaataan dagaal uu isaguna ku khasban yahay, maadaama aanay dawladu is waydiinayn (ragga dagaalka ka qayb galay waa ayo? balse ay is waydiinayso reerka dagaalamay waa ayo?).

dareenkaasi waxa si lama iloobaan ah u sii xoojiyay duminta ay dawladu dumisay dhawr tuulo, taasoo farriinta ay dawladu diraysaa ay tahay in qof kastaaba oo halkan degani inuu dambiga dagaalka qayb ku leeyahay, maadaama ciqaabtu dadka oo dhan gaadhay.

waxa hubaal ah oo taariikhdu ina baraysaa isla markaana gobalka sanaag aanuu ka duwanayn, in colaada halkaasi ka taagan aanay dhaafsiisnayn dad tiro yar oo magacyo iyo mansabyo kala duwan ka haya bulshada, markaa waajibka dawladnimo wuxuu keensanayaa inay kuwaasi ciqaabto oo ay maxkamad hor gayso, isla markaana ciqaabta qisaaska (dilka) ay ku fuliso kuwa ku kacay dilka sida ay dhigaayaan diinteenu iyo xeerkeenuba.

Qaabkan ay dawladu hadda wax ku wadaa waxa ka muuqda samir yaraan iyo deg-degsiimo xad-dhaaf ah oo ay daacad ka yihiin xukuumadu inay nabad hadda dhaliyaan, laakiin aanay ka fikirayn cawaaqib xumada arrintaasi ka dhalanaysa muddo yar ka dib maadaama ay xoojinayso reernimada iyo qabyaalada.

Waxaan ku tusaalayn karaa hab-dhaqanka xukuumada inuu la mid yahay ciidan dab-damis ah oo arkay inuu maqsin qudha oo guriga ka mid ah inuu gubanaayo, markaasay dhibsadeen inay wakhti iyo dadaal ku bixiyaan sidii ay maqsinkaasi si gaar ah u bakhtiin lahaayeen, sidaa awgeed waxay go’aansadeen inay guriga oo dhan ay gubaan si guriga oo dhan ay dib u bakhtiiyaan, isagoo dabku ku koobnaa hal maqsin.

Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu si taam ah u soo celiyo nabada Gobalka Sanaag, dadka walaalaha ahina ay ku soo noqdaan walaaltinimadoodii, sidoo kale Ilaahay waxaan waydiisanaynaa inuu xukuumadeena ku garab galo dadaalada nabad-doonka ah ee ay wado iyo inuu waafajiyo jidka ugu saxan… aamiin yaa rabal caalamiin.

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap